Oscar oo 5 sano Xabsi ah lagu xukumay

0

Maxkamada ku taala dalka Koonfur Afrika ayaa shan sano oo xerig ah ku xukuntay orodyahanka caanka ah ee Oscar Pistorious.

Pistorious waxa bishii hore lagu helay dambi ah in si aan ku talagal ahayn uu u dilay saaxibadii Reeva Steenkamp.

Dacwada waxa dhagaysanaysay maxkamad ku taala magaalada Pritoria.

Oscar Pistorious waxa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah balse aanan hadda la xireyn.

Oscar Pistorious, waa nin ku caan baxay tartamada orodka, waxa uuna ahaa qofkii ugu horreeyey oo cuuryaan labada lugood l’a oo ka qeyb gala cayaaraha oradada caalmiga ah.