Qaabka Wada hadalka guuleesta loo galo .W/Q: Maxamed Axmed Caaqil

0

Waxaa macquul ah inaad si fudud isu weydiisid Wada hadalku ma shuruud iyo nidaam gaar ah ayuu leeyahay,ma cilmi la bartaaa mise Culuumta dunida lagu hormariyay ayuu Qeyb ka yahay, Xaqiiqse waxaa ah Maalin walba inaad wada hadal gashid, ha noqoto garr laguu heysto oo lagaa doonayo inaad garr baxdid, Doodo Siyaasadeed, Arimo bulsho, Deegaan iyo Waxyaabo kale.

Culumada ku taqasustay cilmiga Bulshada inbadan oo ka mid ah waxay ka sameeyeen Qaababka Wada hadalka qoraalo dhaxal gal noqday iyo fikrada ugu danbeen tijaabintooda lagu mira gurtay, fikradahaasi iyo Qoraalada intaba waxaa lagu far fiiqayay Wada hadalka guuleesta iyo Qaabka loo waajaho.

Soomaalida oo dhibta ka heysta Nidaamka Dowlad la,aaneed ay labaatan jirsatay waxaa lagu sifeeyaa ciladoodu inay tahay in badan oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku loolamaya Hogaanka dalka iyo aayihiisa Hogaamineed inaysan waxbadan aqoon u laheyn habka wada hadalka, waxaana ku yar Tanaasulka, taasina waa mida keenta Mar walba in Rajadii la qabay ay haadaan dheer ka sii lulmato.

Qoraalka kooban waxaa isku dultaagi doonaa Qaababka wada hadalka guuleesta iyo Shuruuda uu xanbaarsan yahay.

1:- Marka ugu horeeso waxaad naftaada ka dhaadhicisaa u diyaar garoobida gelitaanka Wada hadal.

2:- isku day Waqtiga inaad si aad ah u dhowrtid, Marka ugu horeeso oo ay indhahaaga qabtaan Qofka uu wada hadalku idin dhexmarayo ahoow mid dhoolacadeenayo, waayo Waxaa xaqiiqo ah in dhoolacadeyntaadu ay ka tarjumeeso kalsoonida naftaada,Muuji Ixtiraam iyo daganaan, islamarkaana u salaam si kalgaceel uu ku jiro.

3:- Hadii hadal lagaa hor qaato ha muujin dag dag,qofka kaa soo horjeedo waxaa siisaa Waqti ku filan oo uu hadalkiisa ku dhameesan karo, inta uu hadlayana ha noqon qof hadalka ka dhexgala, waxaadna dareensiisaa in aad daneeneesid nuxurka hadalkiisa, adiga oo mararka qaar raacinayo ishaarooyin ka tarjumayo jiibinta hadalka sida “inaad Marax ruxdid, Isticmaalka Sax, Waan Gartay” iyo wixii la mid ah.

4:-ha taagtaagin gacmaha oo ha u muuqan sida qof dagaalamayo, Culumada baratay Cilmiga loo yaqaano “Body Language” waxay ku macneeyaan Gacmo taagtaagida aadka ah in ay ka tarjumeeso Kalsoonida daro shaqsiyadeeda ee qofka heysato, sidaasi daraadeed waxaa ahaataa Qof si daganaan ah gacmaha uga hadla.

5:- Ha noqon qof isticmaala Ereyada ay ka mid yihiin “Waa Beentaa, kaama dhageesanayo sheekadaasi, Qof aan aqlaaq laheyn ayaa u hadal eg tahay” waayo waa Erey gaf ku ah Shaqsiga aad wada hadleesaan.
6:- Qofka aad wada hadleesaan ha ku fiiqin farahaaga, waliba iska dhowr hal far inaad ku fiiqdid, Maxaa yeelay inta badan dadka soomaalida waxay u arkaan qaabkaasi inay tahay nuuc yasid ah, waxaana dhaceeso mararka qaar si dag dag ahuu qofka kuu yiraahdaa :Ha igu fiiqin farahaaga”.

6:-Hadii ay dhacdo in shaqsiyadaada loo gafo “ Aflagaadeeyo”, ha niyeesan inaad aarsatid Kolka uu hadalka ku soo gaaro, hana caroon inta uu qofka kaa soo horjeedo hadlayo, waxaadna isku daydaa inaad dhoolacadeesid inta uu hadalkiisa wato oo uu shaqsiyadaada weerarka ku yahay, Ogow Dhoolacadeentaasi waxay kaa saacideesaa inuu niyad jabo qofka kula hadlayo iyadoo dadka idin kala xukumayo ay si dhab ah u dareemayaan inaa tahay qof ku kalsoon naftiisa taasi waa dhab waa Amaan aad yeelaneesid, ha daba galin gafkii laguu geystay Hadiise aad ka maarmi weysid si aqlaaq leh u radi “Jawaab” oo waxaad dhahdaa “ Walaalkey/Walaashey waxa uu igu sifeeyay/Sifeesay aniga uma quurayo, gafka uu I geystay koley isaga way ka dhacday laakiin anigu agteeda aad buu ugu qiima badan yahay oo uma quuro hadalkaasi oo kale waxaase dhab ah inuu Caqligiisa ka hadlay Xaqbuu u leeyahay inaan ixtiraamo Ra’yigiisa”.

Qodobadaasi Waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee loo maro Wada hadalka Guuleesta.

 

W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil

Caaqilsos@hotmail.com               

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

+249-929-803494