Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa Goordhaw Qarax Xoogan oo loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Isgooska Shaqaalaha ee Laamiga Maka Al-Mukarama.

Warar hordhac ah oon helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo la dhigay afaafka Hore Hotel kasoo horjeeda Guriga Shaqaalaha oo hada ah xarun ay ku shaqeeyso Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowlada Soomaaliya.

Ilaa hada lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa xoogan ee Goordhaw ka dhacay agagaarka Guriga shaqaalaha , waxaana goobta kusii qul qulaya gaadiidka Ambalaasta kuwa oo u gurmanaya dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.