Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Jowhar iyo Faah-Faahino kasoo baxaayo (Warbixin)

0

Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku dhaawacantay qarax caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, halka warar kaasi ka duwana ay sheegayaan inuu ahaa bam gacmeed lagu weeraray gaari ciidan oo meesha maraayay.

Sargaal ka tirsan Ciidamada DFS ee gobolkaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Qaraxa uu geystay dhaawac fudud, waxa uuna Tilmaamay inuu ahaa miino nooca gacanta lagu tuuro.

Waxa uu warbaahinta u sheegay in qaraxu ahaa bambada laga tuuro gacanta, ayna baarayaan cidda ka dambeysey falka.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee degmada Jowhar.

Faah-Faahino dheeraad ah weli kama soo bixin Qaraxa, waxaana weli ka hadlin Maamulka Gobolkaasi.