Qorshe Alshabaab ay damacsan yihiin oo laga warhelay

0

Taliyaha ciidamada booliska Kenya David Kimaiyo ayaa sheegay in bandowga cusub uu saarnaan doono magaalada ilaa 22-ka bisha November ee sanadkaan, iyadoo looga gol leeyahay in amaanka lagu adkeeyo.

Alshabaab ayaa bilihii July iyo June waxay ku dileen dhanka xeebta Kenya ku dhawaad 90 ruux, kuwaasi oo lagu dilay weeraro ka dhacay deegaanka Lamu iyo deegaanada hoostaga.

Hadalka taliska ciidamada Kenya ayaa kusoo aadaya iyadoo dalada sharci yaqaanada Kenya iyo ururada bulshada ay dalbadeen in bandowga la qaado 06:30 subaxnimo xiliga geeska Africa.

Waxay ururada ay sheegeen in bandowga uu saameyn ku yeelanayo dadka ku dhaqan deegaanka, kuwaasi oo la sheegay in noloshooda ku tiirsan tahay kaluumeysiga iyo dalxiiska.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya wuxuu ka dalbaday dadka ku dhaqan deegaanka inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida dhanka, isagoo sheegay in booliska ay dadaal dheeraad ah sameyn doonaan.

Wuxuu sheegay inay ka warheleen weeraro la qorsheynayo in laga geysto dalkaasi, isagoo mamnuucay in qaadka loosoo gudbiyo dalka Soomaaliya, iyadoo lagala soo talaabayo dhanka xuduuda.

Koox looga shakisan yahay alshabaab ayaa 12 maalin kahor waxay afduubeen shan ruux oo Kenyan ah, kuwaasi oo qaadka kasoo gudbinayay dhanka xuduuda, iyadoo ilaa iyo hadda dadkaasi aan lasoo badbaadin.