Raadraaca fufka fikradaha sheelan ee Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah”.

0

Horudhac, Mar aan tagay asbuuci hore magaala London ayaa waxaan la kulamay goob lagu iibinayo Buuga “Xadka Riddada maxaa ka run ah” ee uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. Waxaan aqriyay buugii, aqris dabadi waxaa isoo wacay labo maalim kadib qoraaga maqaalka “Gar garaad goobaysa” oo iisheegay inuu maqaal ka qoray buuga, kuna faafiyay baraha internetka, oo ay u dheertahay inuu waliba u diray aqoonyahano reer London ah oo intooda badan aan garanayo. Sidoo kale waxaa horay uga hadlay Sh Maxamed Umal waxaana wax ka qoray Sh Maxamed Idiri iyo Culumo kale.

Ujeedo
Qoraalkan waa mid raadraacaya fufka fikradaha uu buugu xunbaarsanyahay, iyo dulucda, dooda biyi dhaceedu yahay afkaarta guracan ee ku qoran buuga “xadka riddada maxaa ka run ah”. Sidoo kale waxa uu lafagurayaa gafafka ku jira habka iyo hanaanka uu qoraagu u maray daraasadda masaa’isha Shareecada islaamka. Waxaa kaloon soo bandhigi doonaa xeerarka, tubta iyo toobiyaha loo raaco cilmibaarista mas’aasha fiqiga shareecada islaamka. Ugu danbayn waxaan baaq u dirayaa qoraaga buuga in uu ka noqdo khaladaadka uu ka galay diinta islaamka.
Cajiib: Waxaan kaloo dhagaystay Cabdisaciid oo lagu waraystay idaacad soomali ah, kuna andacoonayo inaan culimadu fahmin ulajeedooyinka qoraalkiisa, dana kalane in ay ka leeyihiin dhaleecaynta buuga, wuxuu kaloo youtube ka soo galiyay bayaan uu ku difaacayo aragtida buuga.
Anigoo iskusoo xoorinayo; qoraalka Cabdisaciid(Buuga Riddada maxaa ka runa) difaaciisii ka danbeeyayba, iyo eedaymaha loosoo jeediyay ayaan qoraal naqdi(ilkunaq)ah ku soo bandhigaynaa , sida cabdisaciid ugu gafay diinta islaam iyo mujtamaca soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Xagay sartu ka quruntay?

Si aan u fahanno akhristaw maxaa lagu haystaa buuga, waa in aan is waydiinaa buugu muxuu yahay cinwaankiisa? Muxuu rabaa buugu inuu gaaro oo xukun ama fikrad ah? Hanaankuu u maray si uu natiijo cilmi ku dhisan u gaaro?

Jawaabtu waa: Buugu waxaa cinwaan u ah mas’alo xiriir la leh masaa’ ilka Fiqiga Shareecada Islaamka,”xadka Riddada maxaa ka run ah” waana masalo aan ku cusbayn muslimiinta, haba ahaatee, qoraagu wuxuu xaq u leeyahay inuu mas’aladaa iyo qayrkeedba cilmi baaris ku sameeyo, hadii uu ku qalabaysanyahay hanaanki mujtahidka cilmiga shareecada, asagoo raacayo habka cilmi barista shareecada, Laakiin sidaa ma dhicin!, ee wuxuu isticmaalay manhaj ku dhisan falsafad, asagoo cagta sii marinayo tobanaan mas’aladood oo isugu jiro Tafsiir, Xadiis, Caqiido,Fiqi, Taariikh, Luqad, Qawaacidka Fiqiga, usuul-alfiq … iwm. Natiijaduna waxay noqotay in uu ku gafo masaailkaas oo idil, oo qaarkood xiriirba aysan la lahayn cinwaanka buuga, asagoo waliba burburinayo aasaaska fahamka shareecada ku dhisan ”kitaabka iyo sunaha” iyadoo aadbana moodo in calwinta shareecada ay hadaf u tahay qoraaga, walibanaba is ku qarinayo siigo iyo habaas, indhahana kaga sayrayo xaqiiqada ka muuqato ee caqiido Bi’inta ah.

Baraarujin

Bogga 1aad ee hordhaca buuga waxaa ku qoran ooraahda laga soo guuriyay faylasuufka France u dhashay oo caataabaya, kana ashtakoonayo waaqici uu ku noolaa, Piere Abelard (1079-1142): “Allaa ila og inta jeer ee aan ku fekeray, quus aan joogay darteed, in aan ka qaxo dhulka Masiixida, oo aan aado dhulka cawaanta (oo uu ula jeeday dhulkii muslimiinta) si aan halkaas nabad ugu noolaado, jisyana iska bixiyo, si aniga oo masiixi ah aan ugu dhex noolaado cadowga Masiix.”

Waxaa nasiib wanaag ah inuusan muslim ka sheeganayn ee bal barbar dhiga sheekadan yar.

Akbar Xuseen Ilaah Aabaadi (1846-1921)

Dhanka kale waxaan xasuusanayay inta aan buuga aqrinayay waaqic kale oo xanuunkiisa aqoonyahan muslim ahi uu cabiray asagoo ka caataabayo xaalad dadkiisi iyo dalkiisiba la baday, gaar ahaan sida tacliinta isticmaarka reer galbeedku u maan dhaqday jiilashii ay wax bareen, iyo waliba bi’inta kasmo diimeedkii ay ku dhasheen.

1Abulxasan Annadawi oo ka mid ahaa culimada islaamka ee reer hindia wuxuu turjumay gabay xikmad ah oo uu leeyahay qareenkii gabyaaga ahaa Sayid Akbar Xuseen Ilaah Aabaadi (1846-1921) isagoo dadkiisi u caqli celinayo ayuu wuxuu gabaygiisa isku barbardhigay ingriis iyo fircoonki reer masar , asagoo isticmaalayo luqad kajan dhabeed ah, iyo maldah ku bidhaaminba ayuu wuxuu yiri erayo ay macnohoodu yihiin sidatan: “Aaah Fircoon sixun buu ku tagay,miskiin! Taariikh madaw buu katagay, waxaa u haboonaa inuu dhiso kuliyaad lagu barto aqoonta fircooniga, iyo cilmi baarista qibdhiga(Egyptian knowledge), cilmiga maamulka iyo maaraynta waadiga niil, sidoo kale in la barto taariikhda faraacinada oo ay ku jirto, dhacdooyonka cadli falkooda, hanaanka sinaan ku dhaqa bulshadooda, adeeg wanaaga dalka iyo dadkaba ay u hayaan fircoonadu, iyo sida ay u fidinayaan iftiinka iyo ilayska aqoonta ilbaxnimada ku dhisan, oo ay waliba fahmamsiiyaan horumarka iyo nolol kaabayaalka uu fircoon habeen iyo maalin usoo jeedo hirgalintooda. Haduusan faraacinada ahayna, Niilku waa guri lahaa, oo dhulku waa qalali lahaa, quudku waa yaraan lahaa, oo qiimaha aadmiguna waa dhici lahaa. Oo intaa maahee waxay ahayd inuu baro wax kastoo aqoon ah intaan ka ahayn taariikhda reer banii Israa’iil -mar hadii lagumaysto- hadaysa dhacdo in la baro! waa in la baro taariikh siloon oon katarjumayn xaqiiqadooda, waana in ay maadadaas dhigaan barayaal reer banuu israa’iil ah, oo ku mutay shaqadaa(baraha taariikhda) siloonaantooda, iyo madax dhaq horay ay u soo mareen kaasoo ku riday cudur bulsheedka kasdooriyaha loo yaqaan asii ay ayagu u yaqaanaan “maan furnaan”

Wuxuu kusoo gabagabeeyay in fircoon uu fududaa oo uusan ahayn reergalbeedka(European), taasna ay ku qaaday inuu madax goyn iyo saqiir warjeef xal ka dhigo, laakiin faraacinada cusubi(European) waa ka xeelad badan yihiin oo iyagu markay caroodaan madaxa qofka ayay badalaan, anaguna(Asian iyo African) markaan xanaaqno madaxa qofkaan jaraa.

Waxay sheekadu fariin katahay in la ila garawsado in ay muuqato in cudur bulsheedki (kasdooriyaha) ay astaamihiisi muuqdaan kana muuqdaan qoraaga buuga Riddada, waana cadaynaynaa inshaa allaahu, mana aha tuhmo aan qoraaga ku banaysanayno.

 

Nooc qormeedka Buugga “Xadka riddada Maxaa ka run ah”.

Marki buuga aan aqriyay wixi ugu horeeyay ee ay ishaydu qabatay waxay ahaayeen hanaanka buuga loo qoray iyo mad’hab falsafeedka uu qoraagu cuskaday, waana barta buuga looga biyo diiday, gaar ahaan culimada soomaaliyeed ee kahadlay ama wax ka qorayba, sidoo kale waa barta ay dhici karto in aqoon yahan badan ay buuga ku qiimeeyaan oo loo qaato inuu maanfurnaan iyo cilmi baaris cusub daah furay (critical analysis method).

Mas’alada 1aad; Fikrada Caqlaaniyada2 (Maan-fuulka)!

Bal aynu qaadaadhigno, oon isla aragno akhristaw nooc qormeedka buuga.Cabdisaciid wuxuu buugiisa bogga 2aad ee horodhaca ku tilmaamay “manhajka” (analysis method) ka uu kula dhaqmi doono nusuusta (kitaab iyo suno), wuxuuna ka bilaabay inuu kala saaro nusuusta (kitaab & suno) iyo fahmayaalka wuxuuna u dhigay sidatan: “waxaa jira laba walxaad oo loo baahanyahay in lakala saaro, waayo labadaas walxood oo laisku barxo waxaa ka dhalanayo wareer iyo walaahoow , labadaas walxaadna waxay kala yihiin :diinta iyo afkaarta diiniga ah”. Si aan uga sii dharagno qodobkaasna wuxuun noo celiyay(reference) qoraagu buuga uu leeyahay Abdolkarim Sorouch lana yiraahdo

“The theoretical Contraction and Expansion””نظرية القبض والبسط

Halkaan ayaan ka galaynaa mas’aladeena 1aad, Hadaba Cabdikariim Suruush waa ayo? Sedee ayuu u dhisay afkaarta buugiisa ku qoran? Xiriirka fikir ee asaga iyo qoraaga ka dhexeeyo muxuu yahay? Si aan u fahano hanaanka falsafiga ah ee ay ku abaarayaan(wajahayaan) masaa’ilka shareecada “critical analysis method” waxay nala galayaan in aan falanqayno maskax falsafeedka ay isku raacsanyihiin qoraaga iyo Cabdulkarim Suruush. Si aan u guda galana aynu dib u milicsano Cabdikarim meeshuu salka ku hayo oo kooban.

Cabdikarim suruush 1945

Cabdulkarim Suruush madhab ahaan asalkiisu waa shiici magaciisa runta ah waa: Xuseen Xaaji Faraj Dabaag. Wuxuu ku dhashay magaalada Tahraan wadanka Iiraan sanadkii 1945 tacliintiise hoose wuxuu ku qaatay Tahraan, tacliintiisii sarena wuxuu ku qaatay London, “university of London ” wuxuu ku takhsusay “Experimental Chemistry” Cabdikariim wuxuu kaloo bartay cilmiga falsafada laanteeda “Epistemology” waana cilmiga aadka u jiitay oo marki danbe qaabeeyay habfikirkiisa, waana meesha Cabdulkarim Suruush iyo qoraaga buuga Cabdisaciid iska soo raaceen, ayagoo naska iyo fahamkiisa in la kala saaro ku andacoonayo. OO sidee??

Si aan ucadayno xiriirka nooga muuqday Cabdikariim iyo Cabdisiciid dhaxdooda waxaan ku lagamamaarmaan ah in-aan dib u eegno sida afkaarta ay wadaagaan u dhisantay, si ay akhristoow kuugu sahlanaato inaad wax ka fahamto waxa buuga Cabdisiciid looga biyo diiday.

Cabdulkariim Suruush wuxuu ku sumoobay oo saamayn ba’an ku yeeshay faylasuufka faransiiska ah ee la yiraahdo Auguste comt, bal intaanan Suruush baran aynu barano aabohoodka curiyay afkaarta ay ku qanceen.

Auguste Comte (1798–1857)

Auguste Comte (1798–1857) waxaa lagu sheegaa inuu yahay aabaha cilmiga bulshahada (Sociology) waxaa kaloo lagu sheegaa inuu yahay hal abuuraha mad-habka falsafadeed ee loo yaqaan “positivism”carabigana lagu yiraahdo:”المدرسة الوضعية” taas oo laan ka ah falsafada cilmiga “Epistemology “نظرية المعرفة”

Comt waxaa madaxiisa qabsaday halkudhaga “ horumar iyo nidaam” (Order and progress) oo uga dhashay duruufti fawdada ahayd ee ay kunoolayd Europa xiligaas,.

(Love as a principle and order as the basis; Progress as the goal)

Wuxuu ku qeexay aragtidiisa falsafadeed in aadanuhu fakar ahaan soo maray sadex marxaladood oo uu ku tilmaamay: ” the Law of the Three Stages” (qaaanuunka sedexada marxaladood) ee ay qasab tahay in fakar kastaa uu maro, waxayna kala yihiin:

(1) the theological stage, الطور اللاهوتي Marxaladaan wuxuu aadanuhu ku fasirayaey dabeecada ku meeran iyo muuqaal dhacdeedyada(Phenomena/daahiro) soo wajahayo in awoodo qarsoon kadanbeeyaan isla markaasna aan loo baahnayn in lagaga qanco sababayn kabaxsan halkaa tafsiir, wuxuuna marxaladaan uu uqaybiyay iyadana sadex qaybood:

 

a- Fetishism(cawaanimo)

b- Polytheism (Ilaahyo fara badan/ shirkiga ilaahyada)

c- Monotheism (tawxiid/ilaahyadi oo mid laga soo reebo)

إن يتبعون إلا الظن وإن الظن لا يغني من الحق شيئا

إن يتبعون إلا الظن وما تهوى الأنفس ولقد جاءهم من ربهم الهدى

وإن تطع أكثر من في الأرض يضلوك عن سبيل الله إن يتبعون إلا الظن وإن هم إلا يخرصون

(2) The Metaphysical stage, الطور الميتافيزيقي Marxalad uu insaanku uu cillada ka raadiyo walxaha iyo dabeecada ku meeran, dabadeedna uu kusababeeyo muuqaal dhacdeedyada(phenomena) kala duwan midba say ula muuqato.

(3) The Positive stage الطور الوضعي waa marxada cilmiga iyo itus iyo taabsii waa marxalad garaadka aadanuhu bislaaday, dabeecada iyo walxeheedana kula dhaqmayo hanaan cilmi ku dhisan oo ay saldhig u tahay laba xeer cilmi: 1-Mulaaxado(observation) 2-Tijaabo(experiment) asagoona aaminsan in ay nolosha nagu meerani ay ku dhisan tahay labada xeer ee :

A-dhaqdhaqaaq iyo isbadal joogta ah (dynamic)

B- xaalad joogta ah oo madoorsoonta ah (static)

Sidaadaraadeed Comte isagoo isticmaalayo hanaanka cilmiga ku dhisan, ee uu ku sheegay Mulaaxado(observation) iyo Tijaabo(experiment) kuna dabaqayo in walax walbaa oo dunida taal ay hoos imanayso xeerka dhaqdhaqaaqa joogtada ah(dynamic) iyo xeerka xaalada joogtada ah (static) ayaa waxaa usoo baxay qaacidada oranaysa” waa in lakal bixiyo walaxda(noumena) iyo waxaan ka fahanay (phenomena)” maxaa loo lajeedaa seese loogu dhaqmaa qaacidadaan falsafiga ah (Phenomena and Noumena) waxaan kaga haqab beelaynaa dhaqangalinteeda Cabdi kariim suruush iyo Cabdisiciid oo kaga dayday.

“Nin indhala’ mid kale oo indhala’, oon waxba arkaynin ** iIleen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo.”

أَوْ كَظُلُمَاتٍ فِي بَحْرٍ لُّجِّيٍّ يَغْشَاهُ مَوْجٌ مِّن فَوْقِهِ مَوْجٌ مِّن فَوْقِهِ سَحَابٌ ظُلُمَاتٌ بَعْضُهَا فَوْقَ بَعْضٍ إِذَا أَخْرَجَ يَدَهُ لَمْ يَكَدْ يَرَاهَا وَمَن لَّمْ يَجْعَلِ اللَّهُ لَهُ نُورًا فَمَا لَهُ مِن نُّورٍ

Hadafka Comte –siduu sheegtay- wuxuu ahaa in uu aadanaha sacaado iyo liibaan gaarsiiyo, wuxuuna sidaa dhidibada ugu dhigay diin cusub oo reer galbeed ku badashay masiixiyadii ‘religion of humanity’ diinta banii aadaminimada ku dhisan. Cabdikarim suruush oo uu saamayn wayn ku leeyahayna waxaa laga hayaa inuu yiri : “Diintu waa in ay insaani noqotaa inta aan qofka ahlu diin inuu noqdo laga sugin”. Comt wuxuu ahaa atheist (mulxid) saasoy tahay diinta isagoon rumaysnayn ayuu hadana wuxuu qabay inay tahay hido iyo dhaqan aan looga maarmin is’hayshadka nidaamka bulshada, sidaa awgeed comt wuxuu leeyahay aragtiyo ku aadan akhlaaqda oo si falsafi ah uu u qeexday, asogoo ka dhigay cilmi madaxbanaan oo uu ku daray lixda cilmi ee ay ka koobantahay “positivism” ka “”المدرسة الوضعية (Mathematics, astronomy, physics, chemistry, Biology, Sociology). Xaqiiqa ahaana waa ay kala duwan tahay hanaanka cilmi baarista ee lagu wajahayo nusuusta shareecada iyo culuumta dabeecada (Mathematics, physics, chemistry, Biology) Comte wuxuu isku si ula dhaqmay culuumta diinta iyo culuumta maadada (Mathematics, physics, chemistry, Biology). Maadaama uu Mulxid ahaa. Afkaarta ninkan iyo ardadi ka qalindaaratay sida: Emile Durkheim iyo Sigmund Freud waxaa aad uga hadlay Sh Maxamed Qudbi alaha unaxariistee gaar ahaan buugagtiisa( دراسات في النفس الإنسانية , التطور والثبات في حياة البشرية الإنسان بين المادية والإسلام) , iyo kutubtiisa kale ee uu muslimka kala tacaalayay afkaarta maanfuulka maadiga ku dhisan.

 

وما خلقنا السماوات والأرض وما بينهما لاعبين

ما خلقناهما إلا بالحق ولكن أكثرهم لا يعلمون

وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَاطِلًا ذَٰلِكَ ظَنُّ الَّذِينَ كَفَرُوا فَوَيْلٌ لِلَّذِينَ كَفَرُوا مِنَ النَّار

Waxaa noo xigi doona inan is warsano see loo dhaqan galiyay fikrada Comte, sidee cabdulkarim u bacrimayay falsafadaas si uu uga dhaliyo natiijada uu ku mutay in Cabdisiciid noo celiyo akhriska buugiisa(reference)? maxaase buugiisa ku qoran? waxaan kaga haqab beelaynaa qaybta 2aad inshaa allaahu.

Waa socotaa ee lasoco

“Hakad gali war baa ii haray iyo hadalo waa wayne”

WQ: Moxamed Aadan Cusmaan UK Birmingham 16/10/14

E mail: abuukawser@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com