Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga oo digniin culus u jeedisay Waalidiinta..

0

Safiirka safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa kula dardaarmay waalidiinta ardaydooda ay helaan deeqa waxbarasho inay si wanaagsan ula dardaarmaan ka hor inta aysan ka bixin dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay inay ka faa’ideystaan fursadaha waxbarasho oo ay ka helayaan dalalka ku yaala caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga.

Sidoo kale waalidiinta ayuu sheegay inay si wanaagsan talooyin u siiyaan dhalinyaradooda maadaama ay yihiin mustaqbalka wadanka Soomaaliya, ayna dareensiiyaan wadaniyadnimada waxay tahay.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa dardaaran u jeediyay ardayda waxkabarata ee ku sugan dalka Turkiga, isagoo kula dardaarmay inay dadaal dheeraad ah u galaan sidii ay kaga faa’ideysan lahaayeen fursada ay ku heystaan dalkaasi.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada deeqaha waxbarashada siiya dowlada Soomaaliya.