Sargaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay gobalka Shabeelaha Dhexe

0

Jowhar, AGGM: Wararka ka imaanaaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in Amiir ka tirsan Ururka Al Shabaab maanta lagu dilay iska horimaad ka dhacay deegaanka Iji, oo ka tirsan Degmadaasi Mahadaay.

Dadka deegaanka, ayaa waxay ka horyimaadeen bixinta lacago ay Shabaabku ku sheegeen Zakaawaat, taa oo dhalisay in mintidiinta Ururka Al Shabaab ay la dagaalamaan dadka deegaanka, isla-markaana ay dadku iska caabiyaan.

Sheekh Xasan Fiqi iyo laba ka tirsan ilaaladiisii, ayaa waxaa la soo sheegayaa in lagu dilay iska horimaadkaasi, iyadoona caawa la soo sheegaayo in xaalad kacsanaan ah ay deegaankaasi ka jirto.

Shabaabka, ayaa waxaa la sheegay inay ciidan u soo direen deegaankaasi, isla-markaana ay dadka deegaanku bilaabeen inay isaga cararaan, waxayna u baxsanayaan Degmada Mahadaay, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda, ayaan ka hadlin dhacdada maanta lagu dilay Amiirka ka tirsan Shabaabka ka dagaalamaaya Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al Qaacidada Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inay qayb ka tahay xasaradaha ka aloosan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com