“SAWIRRO + VIDEO”Labo kunteenar oo khamri ah oo lagu bur buriyay Muqdisho kaddibna la aasay

0

Labo kunteenar oo ay ku jiraan waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan nuucyada kala duwan ee khamriga, kaasi oo ay dalka soo geliyeen ganacsato muddo hadda laga joogo labo sano ayaa maanta lagu bur buriyay goob fagaaro ah oo ku taala Muqdisho, isla markaana la aasay, kaddib markii ay amartay Maxkamadda gobolka Benaadir, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan booliska.

Gaashaanle sare Maxamuud Sheegow oo ah taliyaha hogaanka ilaalinta canshuuraha ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo sano kahor markii laga soo dejiyay dekadda magaalada Muqdisho, si shacabka Soomaaliyeed  looga badbaadiyo qatarta Maandooriyahan, ayna u faraxsanyihiin in Maxkamaddu ay fududeysay bur burinta maandooriyahan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir Xaashi Cilmi oo isna goobta qamriga lagu bur burinayay kula hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in markii loo soo gudbiyay arrintan ay amar ku bixiyeen in la bur buriyo, isagoo xusay inay jiraan kuwa amar diido iyo is hortaag isku dayay inay sameeyaan oo la xiray, isla markaana shaqsiyaadkii arrintan magaalada soo geliyay baaritaanno lagu hayo.

 

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Axmed Cali Daahir ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay hay’adaha ka qeyb qaatay in khamriga aan dekadda ka soo gudbin, waxaana uu ka digay in dadkii isku dayaya in dalka soo geliyaan waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqankeena iyo diinteena laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Labada kunteenar maandooriyaha ee maanta lagu bur buriyay magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ugu jirto in dalka aan la soo gelinin waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed.