Shacabka Gobalka Hiiraan oo ka cabsi qaba fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle

0

Cabsi farabadan ayaa laga qabaa in wabiga Shabeelle uu ku fataho magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,  kadib markii wabigu uu biyo faraban keenay kuwaasoo dhaafay qar qarrada wabiga.

Wabiga Shabeelle ee mara bartamaha magaalada Beledweyn ayaa laga cabsi qabaa in uu ku fataho magaaladaasi, kadib markii uu wabigu si xad dhaaf ah u biyo keenay,  iyadoo maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan ay ugu baaqeen dadka ku dhow dhow wabiga iney isaga baxaan guryahooda.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/rfitaax Xasan Afrax iyo duqa magaalada Beledweyn ayaa dadka ku nool magaaladaasi kula taliyay iney feejignaan muujiyaan, islamarkaana ay ka gaashaantaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen fatahaadda wabiga oo laga cabsi qabo inuu qarqiyo xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Arrintan ayaa timid kadib markii la arkay wabiga Shabeelle oo wada biyo xad dhaaf ah oo ay suurtagal tahay ineey biyahaasi kusoo yaacaan gudaha magaaladaasi.