Shacabka Muqdisho oo lag dalbaday inay La Shaqeeyan Laamaha amaanka..

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah gudiga amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa amaanay dadaalka ay sameynayaan hayadaha amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadaalka hayadaha amaanka ay wanaagsan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku taageeraan, si horumar dhanka amaanka loo gaaro, sida uu xildhibaanka sheegay.

Daahir Amiin Jeesow, ayaa sidoo kale sheegay ineysan jirin dowlad shaqeyn karta taageerada shacabkeeda, ayna isku xeran yihiin amniga iyo taageerada hayada amaanka.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmay maalmo kahor markii qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo hayadaha amaankana ay sheegeen inay dadaalo dheeraad ah sameyn doonaan.