Shirka kismaayo “Shimbirayahoow Heesa, Heesa Wanaagsan Heesa”.W/Q.Maxamed Axmed Caaqil

0

Waxaa macquul ah in cinwaanka Maqaalkan ka hor inta aadan aqrin uu kugu dhalinayo Su’aalo dhowr ah. Cinwaanka waxaa laga yaabaa inuu kugu dhiirageliyo inaad waqti siisid aqrinta qoraalkan. Hubantise waxaa ah inaad horey u soo maqashay hal heyska caanka ka ah soomaalida dhexdooda “Shimbirayahow Heesa, Heesa Wanaagsan Heesa”.

Berigii aan ku jirnay marxalada waxbarashada Hoose ee iskuulka waxaan xasuustaa in safaf dhaadheer layna istaajini jiray ka hor inta aanan gelin galaasyada aan casharada ku qaadano, Ardayba Ardayga ka horeeyo ayuu gacanta garabka midig ka saaran jiray ka dibna waxaan si cod dheer ah ugu heesi jirnay laba heesood oo aan ka kala xasuusto hees aheyd “Arday baan ahayoo ubixii wadankaan ahayoo” iyo Hees kale oo aan miraheeda ka xasuusto “Shimbirayahoow Heesa, Heesa Wanaagsan Heesa”.inkastoo Ardaynimadeedii yaraanta aan heesahaasi si wanaagsan u xifdiyay hadana ma aqoon wax looga gol leeyahay iyo macnaha ay si gaar ah u xanbaarsan yihiin oo aan galab walba ugu celceliyo ka hor inta aan galaaska gelin. Lkn waayo badan ka dib ayaa dhowr jeer xasuustay sheekooyinkeygii waxbarasho ee yaraanteeda ka dib ayaa heesahaasi xasuustay.

Heeska koobaad macnaha uu xanbaarsan yahay waa mid cad, waana hees gubaabo ah oo Ardayga lagu dareensiinayo inuu yahay Ubax wadanka u soo hana qaadayo, Mushkiladase waxay ka taagan tahay Heeska labaad ee ah “Shimbirayahow Heesa” umaan helin macno dhab ah oo ay ka tarjumeeso, hadba dhan baan u fasiray oo way noqon weysay.

Macalimiinta berigaa I xifdisiiyayna waxay u qeybsameen mid dhintay iyo mid ka dheeraaday halkii aan ku ogaa. Sidaasi daraadeed ayaa hal heys uga dhigtay Maqaalkan, maadaama Shirka kismaayo uu noqday mid macnihiisa dhabta ah lagu wareero oo la garan waayo Cida loo  qabtay, Qolada ka qeyb-galeesa iyo Ujeedka loo qabtay intaba.

Shirka kismaayo waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya, Waxaa loogu waqlalay shir weynaha dib u heshiisiinta beelaha Jubooyinka, inkastoo wajiyo badan iyo shakiyo is biirsaday la geliyay furitaankii madaxweynaha ee shirka hadana waxaa muuqaalkii shirkaasi dhumiyay markii ka qeyb-galkiisa ay ka biyo diideen mid ka mid ah garabyada hubeesan oo ay doodu ka dhaxeysay.

Hool si aad ah loogu xardhay Calan midabo badan leh, Kuraas waa weyna safka hore loo dhigay ayaa la dhex fadhiisiiyay xeyn odayaal ah oo duubab waa weyn oo cimaamado ah madaxa ku xirtay, Dumar Qaarkood durbaano garwaaxsanaa oo aad loo soo xifdisiiyay Magacyada Shaqsiyaad si gaar ah loo magac dhabayay kuraasta danbe ee hoolka ayey fadhiyeen, koox Fanaaniin ah oo berigii kismaayo iigu danbeesay lagu naaneesi jiray “Wajiyo Xun”madasha shirka ayey ka heesayeen, odayaasha Shirka fadhiyayna waxaa la sheegay in Beelaha deegaanka ay matalayeen, Xaqiiqadase Beelaha iyaga qudhooda ayaa iga garanayo cida matasha.

Sawiro shirka laga qaaday ayaa la baahiyay, Warbaahinta Maxaliga iyo tan dibada waxaa laga sheegay Furashadii Shirka, borobagaando iyo Aduun warfaafinta ayaa loo adeegsaday, lkn marka aad si wanaagsan ugu fiirsatid Shirku waxaa la oran karaa wuxuu isugu jiray Madaxweynaha oo Furay iyo isla Madaxweynaha oo markiiba xiray, ileen khudbadii madaxweynaha ka dib shirka cidna ma soo hadal qaadin. Beelaha deegaanka ee shirka la sheegay in loo qabtay qaarkood waxay si cad ah u sheegeen inaysan shirkaasi qeyb ka aheyn, Qaar kalena waxayba ka baxeen hoolka shirka loo qaban qaabiyay.

Gudiyo kala socodsiiyo shirka oo la magacaabay ma jirto, Warbaahintu hal maalin bay ka hadashay oo maalin labaad lagama maqal.

Shirka dib u heshiisiinta, marka weedhaasi dhagahaagu ay ku soo duusho waxaa durbadiiba kuu sawirmayo Ifafaalo nabadeed, hidadiilo hiigsi nololeed oo cusub iyo Heshiisiin la dhex dhigo dhinacyo iska soo hor jeedo, lkn Shir dib u heshiisiineed oo ay madasheedu wada fadhiyaan Koox markii horeba isku aragti ahaa maxaa kuu sawirmayo inuu ka soo baxayo. Aqristow bal ilbiriqsiyo aqrinta jooji, maxaa kuu sawirmay?.

Waxaa macquul ah in si sahal ah aad markiiba isku weydiineesid Koox isku aragti ah sidee Shir dib u heshiisiineed loogu qabanayaa. Hadaba waa midaasi sababta Shirka kismaayo hal maalin loo buun buuniyay ka dibna warkiisu uu u yaraaday, wuxuu u muuqanayaa madadaalo iyo maadeeysi la abaabulay, Waa maalmo kooban oo waqtigooda is barasho lagu qaadanayo. Waa marin habaabin marba macno gaar ah laga leeyahay. Sidaasi aawadeed ayaa loogu wareeray ujeedka Shirka iyo hab sami u socodkiisa. Waa iska Shimbirayahow heesa, Heesa wanaagsan Heesa”.

W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil

+249 929 803494

Caaqilsos@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com