Sir Lahelay: R/wasaare Cabdiwali, Axmed Madoobe, Fartaag, Afeey Iyo Gen. Gabre Oo Ku Wajahan Magaalada Garbahaarey. Maxuu Yahay Ujeedka Safarkooda?

0

Kismaayo, AGGM: Wararka sida hoose nooga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiwali, Axmed Madoobe, Fartaag, Afeey Iyo Gen. Gabre ayaa waxaa la sheegay inay Ku Wajahan yihiin maalinta maalmaha soo socda magaalada Garbahaarey ee xarunta Goolka Gedo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in wafdigan uu hogaaminayo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ay kasoo kicitami doonaan magaalada Kismaayo balse inta aysan kasoo kicitimin magaaladaa uu R/wasaare Cabdiwlai Sheekh booqan doono hoolka shirarka iyadoo lasoo dhoobi doono hal garab oo kamid ah garabyada isku haya maamulka gobolada Jubbooyinka kagana dhawaaqi doono dadka daga gobolada Jubbooyinka inay heshiiyeen hogaamiyana uu u yahay Horjooge Axmed Madoobe.

Shirkaa kadib ayuu R/wasaare Cabdiwali, Axmed Madoobe, Fartaag, Afeey Iyo Gen. Gabre usoo anbabixi doonaan dhanka magaalada Garbahaarey.

Ujeedka safarka Xubnahan ee magaalada Garbahaarey ayaa waxaa naloo sheegay inuu yahay in ay indhaha beesha Caalamka ka gadaan in horjooge Axmed Madoobe uu tagay Gobolka Gedo kulamana la yeeshay qaybaha bulshada ee gobolka Gedo, si shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee bisha soo socota ka furmaya magaaalda Copenhagen ee dalka Denmark Horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu u muuqdo nin ka arimiya dhamaan gobolada Jubbooyinka, marka laga reebo deeganada ay ku hareen falaagada Al Shabaab.

Beesha Caalamka iyo dowladdaha reer Galbeedka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa horay si cad ugu sheegay Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inuusan ka arrimin gobolka Gedo weligiina tagin oo uu ka arimiyo oo kaliya magaalada Kismaayo, islamarkaana loo baahan yahay in dib u heshiisiin loo sameeyo dhamaan beelaha daga gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale waxaa jira xubno isqarinaya iskana dhigaya inay kamid yihiin ka qayb galayaasha shirka MIDNIMO 1 oo iminka ku sugan magaalada Garbahaarey, balse u tagay magaalada Garbahaarey sidii ay u gogol xaari lahaayeen soo dhaweynta R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, Axmed Madoobe, Fartaag, Afeey Iyo Gen. Gabre.

Isku soo wada duuboo R/wasaare Cabdiwali iyo kooxdan ku wehelisa safarkiisa waxa ay u bahoobeen sidii ay mar uun shilimo u daadsan lahaayeen marka laga reebo Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo isagu doonaya in ciidamda dowlahadaha shisheeye ay ku hayaan gobolada Jubbooyinka inta uu ka yeelanayo awood ay maleeshiyadiisa ugu babac dhigi karaan cidii soo hujuunta.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com