Tacsi: Gudiga Midnimada Iyo Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

0

Gudiga midnimada iyo dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo ku kala sugan meelo badan oo caalamka ka mid ah, ayaa waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, Caruurtii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ahaa Taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maalinimadii shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gudiga Axmed Cabdisalaan (Axmed Mini) ayaa waxa uu ku tilmaamay geeri xanuun badan, isaga oo dhanka kale xusay in uu ahaa shaqsi Howlkar ah, wadani ah, isla markaana ahaa nin dalkiisa u yimid in uu u adeego.

“Geerida Gen. Maxamed Sheekh Ismaaciil waxay ahayd mid aan ka xanuunsanay, anaga oo og nafna in aysan waqtigeeda dhaafayn hadana waxay nagu ahayd dag dag iyo filan waa, waana ka xanuunsanaynaa,inaga oo Caruurtii iyo xaaskii uu ka tagay eebe uga baryayna in samir jamiil ah uu ka siiyo isagana uu Janadii fardowso ka waraabiyo” Sidaawaxaa yiri Axmed Mini oo ah Gudoomiyaha Gudiga Midnimada iyo Dib u heshiisiinat Jubbaland.

Deeqa Qodhob oo ah Af-hayeenka Gudiga ayaa dhankeeda si murugo leh u tiri ” Waa geeri dag dag ah lakin nafwalba waa dhimanaysaa waxana Alle uga baryaynaa janadii Fardowso”

Dhamaan xubanaha gudiga ee ku sugan Yurub, Maraykanka, Somalia, Australia, Canada, iyo meelo kale ayaa dhamaantood alle uga baryay Gen. Maxamed Sheekh Ismaaciil in uu Raxmadiisa ku manaysto. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com