Top News: Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo Ka Billaabay Gobolka Galgaduud.

0

Ceelbuur, AGGM:Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab maanta ka billaabay deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale, oo la hadlay Warbaahinta dalka gudihiisa ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallada ka billaabeen deegaannada Wabxo, War-xoolo, Cadare, Af-dhaay iyo deegaanno kale oo ka tirsan degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda deegaannadaasi ay tahay mid deggan, kaddib markii ay dhowaan isaga baxday kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in ujeeddada howlgalladu ay tahay xaqiijinta amniga dadka ku nool deegaannadaas.

Nuur ayaa intaas ku daray in uu ugu baaqayo shacabka ku nool deegaannadaas in ay ciidamada la shaqeeyaan.

 
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa (AMISOM) ayaa dhowaanahanba waday howlgallo amni oo ay ka sameynayaan deegaanno hoos-taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com