TOP NEWS DAAWO:- Xukuumada oo war ka soo saartay ciidanka AMISOM

0

Taariikhda marka ay ahayd  18/10/2014 waxaa uu ku simaha Ra’isul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya mudane Khaliif Axmad Ereg uu magacaabay guddi soo baara eedeymaha  la xiriira kufsiga iyo tacadiyada kale ee lagu tuhmaayo ciidamada Amisom. Guddigaani waxaa uu ka kooban yahay afar xubnood  oo kala ah:

1-  Xildhibaan  Khadiijo Maxamad Diiriye:  Guddoomiye

2 -Xildhibaan   Maxamad Cali Xagaa:                     xubin

3 -Xildhibaan  Burci Maxamed Xamsa:                 xubin

4 -Mudane  Xasan Warsame Cali:                             xubin

Guddigaani wuxuu maanta oo taariikhdu tahay 20 ka Bisha Oktoobar yeeshay kulankiisii ugu horeyay dood iyo falanqeyn dheer kadib waxaa ka soo baxay war saxaafadeed kaan soo socda.

1-In qiimeyn iyo baaris lagu sameeyo  jiritaanka dhacdadaan.

2- In hadii ay jirto dhacdadaani  kagu dhaqaaqo talaabadii ugu haboon looga qaadi lahaa.

3-Guddigaani wuxuu  soo magacaabi doonaa  guddi madax banaan oo khibrad u leh arrimaha xadgudubka jinsiga  ku salaysan (kufsiga)guddigaasi oo raadin doona dadka lagu sheegay in dhibanayaal ay yihiin iyo hadii ay jiraan marqaatiyaal.

4 -Guddiga Wasiirada waxey la kulmi doonaan  qubaro ka socda midowga Afrika iyo waddamada ay  ciidamada ka joogaan dalka .

5 -Guddiga wasiiradda waxey raadin doonaan cid walba oo gacan ka geysan karta macluumaadka Baarista dhacdadani.

6-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’aan sidii looga jawaabi lahaa jiritaanka dhacdadani hadii ay jirtana waxay xukuunadda siin doontaa dhibanayaasha caawin dhinaca dhimircelinta  iyo kaalmooyin kale ay u baahan yihiin wexayna ka jawaabaysaa sidii cadaalad loo marsiin lahaa cidii ay ku caddaato .

7-Ugu dambeyntii guud ahaan Dowladda Jamuuriyadda  Federaalka Soomaaliya waxaa ka go,an  ka hortaga nooc kasta  oo ka mid ah xadgudubyada xuquuqda Aadanaha iyo ka ja waabiddooda .