TOP NEWS DHAGEYSO:- Dowlada oo shaqada ka joojisay garsoorayaal badan

0

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shaqada looga qaaday 21 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka.

Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo saxaafadda u akhriyay digreetada ayaa xusay in garsoorayaasha shaqada laga joojiyay ay isugu jiraan kuwa cusub iyo kuwa horey u soo shaqeyn jiray, kuwaasi oo laga bilaabo maanta aan wax shaqo ah u haynin dowladda.