Top News Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyn Kula Beegsaday Xubno Katirsan Falaagada Al Shabaab Degmada Jilib.

0

Jilib, AGGM:Wararka laga helayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in la duqeeyey Saldhig Al Shabaab ay ku lahaayeen degmadaasi.

Al Shabaabka Jilib ayaana weli ka hadlin duqeynta diyaaradaha loo adeegsaday ee shalay lagu garaacay iyo hadii ay jiraan khasaaro soo gaartay intuba.

Warbaahinta Afka Dawlada Soomaaliya ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa saaka oo Khamiis ah baahisay in Duqeynta lagu beegsaday Xubno katirsan Al Shabaab oo duleedka iyo gudaha Jilib kusugnaa.

Waxa la aaminsan yahay in duqeynta Diyaaradeed ee shalay Jilib ka dhacday ay fuliyeen Diyaaradaha laga leeyahay Dalka Kenya,lama oga ilaa hadda khasaaraha ay geysteen gantaalada ay diyaaradahaasi rideen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com