Top News: Dowladda Kenya Oo Dowladda Soomaaliya Ku Tiri Shidaalkaaga Markaan La Soo Baxno Ayaan Wax Idinka Siineynaa.

0

Muqdisho, AGGM:Mid ka mid ah waxyaabaha ku jira gorgortanka ay Kenya kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in haddii Soomaaliya u saxiixdo Kenya in shirkado shidaal oo ay Kenya qandaraas la saxiixatay ay shidaal kasoo saaraan ceelal shidaal oo ay Soomaaliya leedahay, in Soomaaliya wax laga siin doono dhaqaalaha hankaasi kasoo baxa ama ay wadaagi doonaan labada dowladdoo.

Arrintani waxaa maanta shaaciyey ururka tamarta bariga Afrika (East African Energy Forum) oo isagu ah urur ka kooban khubaro Soomaaliyeed oo xagga kheyraadka dhulka ah kaasi oo u dooda xuquuqda kheyraadka dhulka Soomaaliya, islamarkaasina ahaa ururkii kashifey damaca Kenya ee ah ceelasha shidaalka ee ay Soomaaliya leedahay.

War saxaafadeed uu ururkani maanta soo saaray ayaa waxaa lagu sheegey in wax lagu farxo ay tahay in labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Norway iyo Maraykanka ay ka baxeen heshiiskii ay Kenya la galeen si ay shidaal oga baaraan dhulka Soomaaliya, kadib markii ay u kala cadaatay in dhulkani ay Soomaaliya leedahay, Kenyana aysan lahayn.

Shirkadahani ayaa kala ah Anadarko Petroleum Corporation oo laga leeyahay dalka Maraykanka iyo tan Statoil ee uu leeyahay qaranka Norway.

Warbixin ay soo saartay hey’adda EAEF ayaa lagu sheegey in wali ay jiraan labo shirkadood oo kale oo wali hawshooda halkoodii ka wada, kuwaasi oo si sharci daro ah hawlo shidaal baaris ah oga wada ceelashada shidaalka ee ay Soomaaliya leedahay, waxayna shirkadahaasi kala yihiin shirkadda Total oo laga leeyahay Faransiiska iyo tan ENI ee uu leeyahay qaranka Talyaaniga.

Dhawaan hadal uu saaray xeer illaaliyaha qaranka ee Soomaaliya Axmed Daahir ayuu ku sheegey in shirkadaha sida sharci darada ah hawsha oga wada ceelasha shidaalka ee Soomaaliya uu ku socdo ganaac lacageed oo aad u badan, wuxuuna oga digey hawsha ay halkaasi ka wadaan.

Dhulkani ay Soomaaliya leedahay oo ay Kenya sheeganayso ayaa waxa ay dacwadiisa ka socotaa maxkamadda adduunka kadib markii Soomaaliya ay diidey xodxodasho ay Kenya waday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com