Top News: Falaagada Al Shabaab Iyo Maleeshiyada Raaskambooni Oo Dagaal Ay Isku Hoobteen Ku Dhexmaray Deegaanka Cabddala Biroole.

0

Kismaayo, AGGM: Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal lagu hoobtay uu deegaanka Cabdalla Biroole uu ku dhexmaray Falaagada Al Shabaab iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Dagaalkan aysan qayb ka ahayn ciidamada Kenya balse uu dhexmaray oo kaliya Falaagada Al Shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka Raskambooni.

Sida ilo wareedyadeena sheegayaan dagaalkan in gaadiidka dagaalka waxna looga qabsaday waxna looga gubay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaa sidoo kalena jira dhimasho iyo dhaawac badan oo lasoo gaarsiiyay magalaada Kismaayo.

Sidoo kale Deegaanka Kudhaa oo ay shalay la wareegeen ciidamada Kenya oo garabsanaya kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Ciidamadan huwanta ah iyo Al Shabaab ay isku horfadhiyaan deegaankaas.

Dhinaca kale waxaa xalay lagu soo rogay magaalaada Kismaayo Bandow,waxaan gabi ahaana joogsaday isu socodka dadka rayidka iyo adeegyada ganacsi.

Ilaa iyo hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya Horjoogeyaasha falaagada Al Shabaab iyo Raaskambooni, waxaana goobaha caafimaadka magaalada Kismaayo laga soo sheegayaa in dhaawac iyo maydad badan lasoo gaarsiiyay, sidoo kalena  waxaa jira warar sheegaya in maleeshiyada Raaskambooni ee dulaanka qaaday inay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo sida ay kusoo waramayaan xog ogaalo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni tan iyo markii ay bilaabeen duulaanka ka dhanka ah falaagada argagixisada Al Shabaab inaysan wax guul ah kasoo hoyin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com