TOP NEWS:-Haween cusub oo soomaali ah ayaa UK kaga biiray DAACISH.(Aqriso Magacyadooda)

0

Waxaa Faah faahin dheeraad ah laga helay Haween soomaali ah oo ka tagay UK kuwaas oo ku biiray kooxda DAACISH.
Waalidiinta gabar yar oo lagu Magacaabo Yusra taasoo 15 jir ah ayaa Maanta shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada BRISTOL ee dalka ingiriiska iyagoo ka hadlay gabadhooda oo ay kaga shakisan yihiin in ay ku biirtay Kooxda Dunida halista ku ah ee DAACISH.
Hooyada Gabadhaase oo lagu magacaabo Safiya Xuseen ayaa shaki galisay soorta galnimada in gabadheyda ay ku biirtay DAACISH, iyadoona Boliska UK ka codsatay in laga Caawiyo sidee ay dib ugu soo laaban laheyd.
Yusra oo 15.sano jir ah ayaa afhayeen Boliska UK u hadlay Waxaa uu sheegay  in ay Safar  ku aadan TURKIGA islamarkaana ay ku Wajahan tahay Siiriya iyaguna ay ku raad joogaan.
Gabadhaan yar ayaa la aamisan yahay in ay horay isku sii raaceyn Gabar kale oo 17 jir ah taasoo iyadana Soomaali ah.
horay Magaalada MANCHESTAR waxaa DAACISH.KA ka aaday Laba Gabar oo soomaali ah kuwaas oo lagu kala Magacaabo Sahra & Salma Waana Mataano.
Tirada Hawenka soomaalida INGIRIISKA ee ku biiray DAACISH,ayaa ah 4 ruux inta la Xaqiijiyay Waxaana jira dadaalo lagu doonayo in markale aysan dhicin qofkale oo UK ku nool in uu ku biiro kooxdaasi ka dagaalanta Dalalka Siiriya & Ciraaq.