TOP NEWS:- Madaxweyne Gaas oo lagu Helay in uu Xiriir la leeyahay Ururka Al Shabaab

0

Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ‘United Nations Monitoring Group on Somalia and Eritrea’ ayaa ku aqoonsadey warbixin golaha amaanka ay hordhigeen, sida Madaxweynaha Puntland uga gaabinayo la dagaalanka ururka Al-Shabaab iyo xiriir aan qarsooneyn ee uu la leeyahay shaqsiyaad burcad badeed ah.

Siddeeda xubnood ee baarayaasha ah UN-ka ayaa ogaadey sida kooxda sii tabardareysaneysa Al-Shabaab khatar u galinayaan nabada Puntland islamarkaasna dhex-gal uga sameynayaan ciidamada Puntland arintaasoo niyad jab xoogani ka muuqdo.

Warbixintaan ayaa lagu xusey sida Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Suleymaan Yusuf xiriir joogto ah ula lahaa kooxda baarayaasha QM ‘ UN Monitoring Group’ balse u joogsadey si-lama filaan ah, kooxdaan ayaa soo bandhigtey sida joogtada ah oo ay isugu dayeen iney la xiriiraan Madaxweynaha Puntland iyo xafiiskiisa iyagoo raadinaya sidii wax la isaga waydiin lahaa dhaqdhaqaaqa ururka Al-Shabaab ee Puntland iyo dibadeeda.

Khabiirrada ka tirsan kooxdaan ayaa ku qiimeeyey afar xaladood iney sabab u tahay inuu kordho dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee Puntland; “Qabo oo sii daa” siyaasada ah oo uu Madaxweyne Gaas ku dhaqmo, niyad jabka ciidamada Puntland, kooxda Al-Shabaab oo laga saarey Koonfurta Somalia iyo aqoonsiga la aqoonsadey hogaamiyaha siyaasada kooxda Al-Shabaab ee Puntland ka dagaalama.

” Sanadkii la soo dhaafey waxaa la hayaa cadeymo sheegaya in kooxda Al-Shabaab si joogta ah u raadineysay sidii ay u dhexgali laheyd ciidamada Puntland.” Akhri warbixinta ” Puntland kooxda Al-Shabaab waxay kordhiyeen ilaalada ay ku hayaan xarumaha Qaramada Midoobey islamarkaana raadinayaan goobo ay kaga dhuuntaan ciidamada amniga.”

Dilka Taliyihii qaybta gobolka Barri

Kooxda QM u qaabilsan la socoshada cunaqabateynta hubka iyo la dagaalanka argagixisada ayaa warbixintooda ku sheegey in qofkii diley taliyihii qaybta booliska gobolka Barri Cabdiraxman Cali Cabaas ” AHN” August 4, 2014 magaciisa la oran jirey Maxamad Abuukar Zubeyr uu qabiil ahaan kasoo jeedey midka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kooxdaan ayaa sheegtey in ninkaasi cafis Madaxweyne xabsiga kaga soo baxey ama midkamid ah sarakiisha Booliska sii daayey Ciidii Ramadan.

 “Madaama uusan cadeyn cidda sii-deysay ‘Maxamad Abuukar’ lakiin wararka laga helayo dad warqab ah ayaa sheegaya inuu xabsiga kaga soo baxey cafis Madaxweyne, ama Booliska sii daayeen 2014″ ayaa warbiixntaan lagu xusey

Xirrirka burcad badeedka

Kooxda UN ayaa warbixntooda ku sheegey inuu jiro xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ugu yaraan Labo qof oo burcad badeed madax ka ah kuwaasoo la kala yiraahdo Cabdiqani Dirie Cabdille iyo Axmad Dirie Cabdille.

Labaadan qof ayaa warbixintaanu sheegeysaa in bartooda Facebook soo dhigeen sawiro cadeynaya xiriirkooda.

Dirie oo loo yaqaan luga Dheere ayaa kooxdaan baarayaasha sheegeen inuu daganaan jirey dalka Imaaraadka Carabta islamarkaana haysto Passaport Ethiopian ah.

Cafis u fidin

Warbixintaan ayaa sheegtey in Ciise Yulux oo ah burcad badeed ku dhuumaaleysta xeebaha fog ee gobolka Barri cafis u fidin laheyd dowlada Puntland oo wakiil ka yahay la taliye Cabdulahi Ciid.

” March 2014, Ciise Yulux waxaa uu saxaafada u sheegey inuu ka baxay burcad badeednimadii islamarkaana dowlada Puntland cafis siisey”, heshiiskaan ayaa waxaa ka shaqeeyey Cabdulahi Ciid oo ah la taliyaha Madaxweynaha Puntland xaga arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.