Top News: Magaalada Jowhar Oo Lagu Xiray Dhallinyaro Lagu Tuhmay Inay Katirsan Yihiin Al-Shabaab.

0

Jowhar, AGGM: Lix qof oo dhallinyaro ah oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ayaa lagu qabtay howlgallo 24-kii saac ee la soo dhaafay uu booliska Soomaaliya ka sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha booliska degmada Jowhar, Maxamed Siyaad Cali ayaa xaqiijiyay in lixda qof ee dhallinyarada ah aan laga garaneyn magaalada, ayna tuhunsan yihiin inay ka mid yihiin maleeshiyada Al-Shabaab ee looga itaal roonaaday dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka qaarkood.

Wuxuu xusay inay baaritaanno ku sameynayaan dhallinyarada, kaddibna caddaaladda la hor geyn doono.

Isku soo wada duuboo Taliyaha ayaa caddeeyay in ammaanka magaalada Jowhar uu wanaagsan yahay, isla markaana ay ciidamadu sameeyaan howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com