Top News: Midowga Afrika Oo Cambaareyey Dhacdadi Maanta Ka Dhacday Gobolka Hiiraan…

0

Muqdisho, AGGM:Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sidikou ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay rabshadaha ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan is hortaag lagu sameeyay kolonyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo howlo maalmeedkooda gudanaya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjire Maman Sidikou ayaa lagu sheegay in deegaanka Ceel gaal oo qiyaastii 10 Km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Beladweyne in dad careysan ay dibad baxyo rabshado wata ka sameeyeen halkaasi, iyagoo is hortaag ku sameeyay kolonyo gaadiidka AMISOM, taasi oo keentay inay ciidamadu ay rasaas furan oo uu ku sheegay inay ahayd mid ay isku difaacayeen, ayna jiraan dad rasaastaasi wax ku noqday.

“Waxaan aad uga murageysanahay rabshadaha ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaan rajeynayaa in xaaladdu ay degto, waxaan rabaa in aad u caddeeyo bulshada gobolka Hiiraan iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed, in AMISOM aysan marnaba taageero siinin mid ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed, taasina ma ahan howlgalkeena, ee waxa aan halkaan u joogto waa taageero aan siineyno dowladda Soomaaliya si loo helo nabadgelyo” ayuu yiri Danjire Maman Sidikou.

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay aad uga xunyihiin falkaasi ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana uu ku booriyay shacabka gobolkaasi ku nool inay taageeraan ciidanka AMISOM, isagoo ka codsaday in dowladdu ay xaliso rabshadaha ka aloosan deegaanka Deefoow, isla markaana aan loo arkin in AMISOM ay qeyb ka tahay hurinta rabshadahaasi.

Deegaanka Deefoow oo qiyaastii 40 Km dhanka waqooyi uga beegan magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jirtay dagaalo u dhexeeyay maleeshiyo beeleed, taasi oo keentay in dhinac ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ay u arkeen in ciidanka AMISOM ay taageero siiyeen mid ka mid ah maleeshiyo beeleedyada dirirtu dhexmartay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com