TOP NEWS:- Shirar gaar gaar ah oo ka socda Villa Somalia // Wasiiro is-casilaya si Xukuumadda u dhacdo

0

Tan & Shalay markii uu RW C/wali Sheekh isku-shaandhayn ku sameeyay Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka socda Muqdisho, gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha (Villa Somalia) Kulamo Xasaasi ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha.

Allgalgaduud ayaa heshay Xog ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xalay illaa Saakay Kulamo Albaabada u xiran kula leehay Xafiiskiisa Wasiirada isaga taageersan, waxaana uu Madaxweynaha kula taliyay Wasiiradda inay is-casilaan si ay u dhacdo Xukuumadda Federaalka ee uu hogaamiyo RW C/wali Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Shaqaalaha Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu billaabay Olole ballaaran oo lagu iibsanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama Khilaafka Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha u muuqdo mid u biyo Shubanaya in Codka Kalsoonida loo qaado RW C/wali, si lamid ah Wadadii lagu riday “Saacid”.

Si lamid ah, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh ayaa wado isku-day & dadaallo uu uga gaashaamanayo Mowjadaha uga soo socda dhanka Madaxweynaha, waxaana uu la kulmayaa si gaar ah Wasiiro & Xildhibaanno.

Loolanka & Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh & C/wali ayaa ah kuwa Puntland ay kasoo shaqeysay xilligii uu RW C/wali joogay Garoowe & Qardho, si ay u gaarto Hamigeeda ah inaan Maamul Goboleed laga dhisin Gobolada Galgaduud & Mudug sidoo kalena ugu gergelo Qodobadii loo saxiixay, sida uu Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka u sheegay warbaahinta

Xildhibaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in Puntland ay kula soo heshiisay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya inuu markii uu tago Muqdisho bedelo dhamaan Wasiiradda ku dhaw Madaxweynaha, isagoo u maraya Isku-shaandhanyn, maadaama Wasiiradda qaar aysan ku qanacsanayn Heshiiskii Garoowe.