TOP NEWS :- Tirada tahriibayaashii dhintay 10 kii sano ee lasoo dhaafay oo lasoo saaray

0

Maalin kastaa qaxooti African ah ayaa Qatar naftooda ah u geliya si ay u helaan nolol cusub oo ay kaga cararayaan dalalkooda, sida warbixin cusub ay ku sheegtay hayada qaxootiga caalamka ee IOM.

Hayada muhaajiriinta caalamiga ee IOM ayaa soo saartay warbixin ku aadan tirada qaxootiga ka cararay dalalkoda tan iyo sanadkii 2000, waxaana lagu sheegay 40,000 oo ruux.

Inka badan kala bar dadkaasi ayaa la sheegay inay biyaha ku dhinteen, waxaana hayada ay ku sheegtay in 22,000 ruux ay ku dhinteen xili ay doonayeen inay u gudbaan qaarada Yurub.

Ku dhawaad 6,000 oo muhaajiriin ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen xili ay doonayeen iney ka gudbaan xuduuda dalalka Mareykanka iyo Mexico, sidoo kale 3,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xili ay donayeen inay ka gudbaan lama dagaanka Africa iyo badweynta India.

DAAWO SAWIR TAHRIIBAYAAL SOOMAALIYEED OO IYAGA OO BADDA GALI RABA EHELADOODA TALEEFAN KULA HADLI RABA.