Uganda oo ka hadashay waxyaabo ka dhacay Soomaaliya

0

Taliyaha ciidamada qaaska ee dalka Uganda General Muhoozi Kainerugaba ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada Uganda iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay bilooyinkii lasoo dhaafay Alshabaab kagala wareegeen magaalooyin dhowr ah.

Howlgalka loogu magacdaray “Badweynta India” ayaa sababay in magalooyin badan oo Alshabaab ay maamulayeen lala wareego kadib ciidamada isbaheysana weeraro ay ku qaadeen.

Taliyaha ciidamada qaaska ayaa sheegay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay kusoo aaday markii Alshabaab laga saaray degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, magaalooyin kalana ay Alshabaab maamulayeen.

”Waxaan u hambalyeynaya dhamaan ciidamada iyo saraakiishooda kuwaasi oo ka qeyb qaaday dagaalkaasi, wax wanaagsan ayaad sameyseen ciidamada Ugandana ay sameeyeen, laakiin waxaa inad gashaan feejignan dheer ah o aadan fursad siinin “Alshabaab”, waa in sidoo kale aad ka hortagtaan cudurada halista ah sida Marbug iyo Ebala”sidaasi ayuu yiri taliyaha ciidamada qaaska ee Uganda.

Degmada Baraawe ayaa kamid ah magaalooyinka Alshabaab laga saaray bilihii lasoo dhaafay, kadib howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Uganda iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Ciidamada qaaska ee dowlada Uganda ayaa ka howlgalayay dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, waxayna ka qeyb qaateen howlgaladii ka dhacayay xiligasi magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sanadkii 2010 weerar ay ku dileen 76 ruux waxay kageysteen dalka Uganda markii qarax ay la eegteen dad daawanayay ciyartii kama dambeysta koobkii adduunka ee xiligaasi, waxaana weerarkoodii kale ee ugu weynaa uu ahaa weerarkii ay ka geysteen dhismaha ganacsiga Westgate ee dalka Kenya.