Ummadda Soomaaliyeed Ma Qabiil Baa Indha Tiray Iyo Kooxaysi Bal Waan Wareeraye Su`aalahaan Hala Iiga Soo Jawaabo !

0

***Goormaan Soomaaliyey ka baxaynaa Hiilka aan xaqqa loo hiilin ,goormaan ka baxaynaa xaqdaro ku dhaqanka meeshaan hadda naal na dhigtay ,goormaan gaaraynaa inaan qaranimadeena u hiilno taas oo na gaarsiinaysa horumar nagu wada filan nana wada deeqda ?

***Soomaaliyeey ma garbaa dawlad dawlad ka hoos dhisan , ma garbaa golo wasiiro oo glo kal ka hoos dhisanyahay kana awood badanyahay ?

***Soomaaliyeey dano Kooxeed niman ay ku weyntahay dan qaran ma laga sugayaa ?

***Soomaaliyeey ma garbaa danta kooxdaadu inay kaala weynaato dantii guud ee ummaddoo dhani lahayd ?

***Soomaaliyeey ma qaadan karnaa qofkii anigu waxaan rebay ka horyihaada waa inuu meesha ka baxaa ?

***Soomaaliyeey anigaa ku magacaabay sidaas daraadeed waa inaan ku yeeshaa ma saxbaa ?

***Soomaaliyeey goormaan ka baxaynaa Cali gar leh caydiidna gar leh ,oo ah arinka xaalkaan ku jirno nagu haya oo aan horay oogu soconlanahay ?

***Soomaaliyey ma qaadan karnaa hal qof daraadii haduusan wuxuu rabo la samayn ,dan kama lihi haduu qaranku burburo ?

***Soomaaliyey ma qaadan karnaa in lacagtii qaranka loo adeegsado in lagu fuliyo fikrado kooxeed in lag meel mariyo ?

***Soomaaliyeey ma qaadan karnaa gar iyo gardaro ,wado kasta aan u marno waa inaan Soomaaliya xukunaa 50 sano ee soo socota ?

***Soomaaliyeey goormaan garan doonaa in danta koox ama qabiil iyo wax la mida aysan meel na gaarsiineyn ee waxa meel ku gaarayna oo na wada deeqdaa inay danta guud ee naga wada dhaxaysa tahay?

Nin Soomaaliyeed oo yaaban!

Goormaa ………..Goormaa …………..Goormaa?.

Maxamed Saciid Cali
msc@gmail.com

Qoraalkan Waa Aragtida Qoraha Magaciisa Ku Saxiixan, Marnaba Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, Fadlan Waxii Amaan Ama Xumaan Ah Kala Xiriir Qoraha. Email:

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com-