War Cusub:Wararkii Ugu Dambeeyay Saaka Ee Khilaafka Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha. Yaase Gacan Sareeya?

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan inkhilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh uu marba marka kasii dambeeysa kasii fogaanayo halkii hore ee uu taagnaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gudaha magaalada Muqdisho ay ka socdaan olole ay wadaan dalaaliinta ku kala xiran Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo koox walbaa ay ku doonayso inay ku kasbadaan Xildhinaabada Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaano badan oo lakala safan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo shirar uga socdaan gudaha magaalada Muqdisho,waloow aan la saadaalin karin ugu dambeynta halka ay isugu gaynayaan codkooda taageero.

R/wasare Cabdiwali Sheekh ayaa sida aan wararkeenan ugu dambeeyay ee hadda nasoo gaaray aan ku heleyno waxa ay sheegayaan in uu aad ugu gacan sareeyo dhanka Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka islamarkaana ay lasafan yihiin.

Dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa inuu gacanta ku hayo dhaqaale badan oo uu ku doonayo inuu u isticmaalo siidii uu meesha uga bixin lahaa R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

Waxaan ilaa hadda la saadaalin karin halka ay sal dhigan doonto, waloow dadka ku sugan magaalada Muqdisho ee sida aadka ah ugu dhuun daloola Dowladda Soomaaliya qaarkood ay sheegayaan in arinta Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh ay gaari doonto Baarlamaanka Soomaaliya, Waxaana suuragal ah in laba mas’uul ay baneeyaan xilalka ay hayaan, halka kuwa kalena ay sheegayaan in Baarlamaanka aan laysku haleen karin oo R/wasaare Cabdiwali Sheekh xilkiisa ku wayn doono haduu tago Baralamaanka, Sidoo kale waxaa jira iyana warar sheegaya in R/wasaaraha uu iskiis isu casili doono oo ay hadda socdaan wadahadalo lagu dhiiri galinayo R/wasaare Cabdiwali Sheekh inuu iscasilo.

Dhinaca kale beesha Caalamka gaar ahaan ergayga Xoghahayah Guud Ee QM Nicholas Kay ayaa waxa isku dayay inuu isu soo dhaweeyo labadan mas’uul sida wararka aan helnay ay sheegayaana waa uu ku fashilmay dhamaan isku dayadiisi uu ku doonayay inuu isugu soo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh, waxaana ilo wareedyo ku dhow ay sheegayaan  in uu oran doono ku xaliya Khilaafkiina Baarlamaanka.

Khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa waxa uu sababay in gabi ahaan ay istaagaan howlihi shaqo ee Dowladda Soomaaliya, waxaana Mas’uuliyiinta kale ee Dowladdana ay sheegeen in ay aad muhiim u tahay in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka u dhexeeya madaxda Sare ee dalka.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeeysay ee ay Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya is khilaafaan, balse markan waxa ay Ummada Soomaaliyeed aad u rajeenayaan in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha aysan kala harin oo ay isku mar baneeyaan Xilka ay Ummada u hayaan, waloow aan la garanayn siday ku suuroobi karto maadaama Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin kuwo aan ku shaqeeyn Dastuurka Dalk u dagsan, balse ay yihiin kuwo ku ducaysta in Khilaaf soo kala dhex galo Madaxweynaha iyo R/wasaraha si ay uga dhex helaan dhaqaale iyo DOOLAR Laaluush ah…..

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com