War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Gurigiisa Kala Baxay Nabadoon Xasan Maxamed “Gariir” Oo Caan Ka Ah Gobolada Jubbooyinka…

0

Kismaayo, AGGM: Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in habenimadii xalay maleeshiyada Raaskambooni ay Gurigiisa kala baxeen Nabadoon caan ka Ah Gobolada Jubbooyina Iyo Gedo oo lagu magacaabo Xasan Maxamed “Gariir”.

Maleeshiyada Raaskambooni ee Nabadoonka kala baxay gurigiisa ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ula dhaqaaqeen Xarun Maleeshiyada Raaskambooni ku leeyihiin Xeebta Magaalada Kismaayo ,Waxaa sidoo kale wararka sheegayaan in Nabadoon Xasan Maxamed “Gariir” loo geeyay Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, lamana yaqaan waxa ay kawada hadleen ..

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Ujeedka ;oo Qafaashay Nabadoon Xasan Maxamed “Gariir” Ayaa ah in uu Kamid yahay Odayaal Dhaqan oo si aad ah uga soo Horjeeda Hogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe kuwaa oo Dhawaan lagu Amaray inay Magaalada Kismaayo isaga Baxaan.

Isku soo wada duuboo Ehelada Nabadoonka ayaa waxa ay ka soo dayrinayaa Xaalada Caafimaad Ee Nabadoon Xasan Maxamed “Gariir” kadib markii ay Jirdil xoogan u Geysteen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee gurigiisa ka qafaashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com