War Deg Deg Ah: Qaar Kamid Ah Gollaha Wasiirada Oo Laga Yaabo Inay Iscasilaan Si R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Loo Rido.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan Xiisad siyaasadeed ayaa waxay hadda ka dhex abuurantay Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Caawa kulamo ka socdaan looga soo horjeedo isku shaandheyn Golaha Wasiirada Soomaaliya qaar uu ku sameeyey R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Madaxweynaha Dalka Xasan Shiikh ayaa waxa la sheegayaa inuu la kulmay Wasiirada ay saaxiibada dhaw yihiin lagana yaabo inay is casilaan si meesha loogu rido Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.

Isku soo wada duuboo Ma cada Xiisadaan siyaasadeed ee udhaxeysa R/wasaaraha Dalka iyo Madaxweyne Xasan Shiikh halka uu ku dambeyn doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com