WAR DEG DEG AH:- Xoghaayaha Guud ee Qaradamada Midoobay oo Muqdisho ka dagay

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Bankimoon ayaa goordhaweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Garoonka diyaaradaha sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo la filayaa inay kulamo halkaasi kula qaataan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro Xukuumadda ka tirsan ayaa ka qaybqaadanaya soo dhaweynta Bankimoon.

Ciidamada baambeyda ayaa garaacaya Astaanta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale Garoonka Muqdisho ku sugan qaybaha kala duwan ee Bulshada oo soo dhaweynta Bankimoon ka qaybqaadanaya.

Waa markii labaad oo Bankimoon uu yimaado dalka Soomaaliya, sanadkii 2012 ayuu yimid Muqdisho, xilligaasi oo tallada dalka Soomaaliya uu hayay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.

Bankimoon Imaanshihiisa waxaa kasoo horeeyay Madaxweynaha Baanka Aduunka, oo si hordhac ah uga soo horeeyay wafdiga Banki Moon.
Lama oga in Madaxtooyada Soomaaliya uu usoo gudbi doono oo halkaasi madaxda uu kula kulmi doono iyo in Garoonka Muqdisho uu ka noqon doono Bankimoon.