WARBIXIN:- Ururka Al Shabaab Oo Sheegtay Inay Fashilisay Gulufkii Militari Ee Looga Saari Lahaa Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame

0

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu caawa iclaamiyay inay fashiliyeen gulufkii militari ee lagu doonaayay in lagu qabsado Degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Militariga ee Kenya iyo Ciidanka Maamulka Jubba, ayaa 6-dii bishaan ku dhaqaaqay dhulka ay Al Shabaab ka joogto Gobolada Jubbooyinka, iyagoona bilaa dagaal kaga qabsaday deegaanka Buulo Gaduud, oo 30km u jirta Magaalada Kismaayo.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, Gudoomiyaha Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab, ayaa shaaciyay in ay ka hortaggeen duulaankii kaga soo wajahnaa Ciidamada Kenya iyo kuwo Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Gudoomiyaha, ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Huwanta ay doonayeen inay la wareegaan Jilib iyo Jamaae, balse wuxuu tilmaamay inay wadada kala kulmeen wax aynaan fileynin, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Huwanta ay ka soo gudbi la’yihiin deegaanka Buulo Gaduud, halkaasoo uu xusay inay ku wajahayaan weeraro si joogto ah kaga imaanaaya dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

Xudeyfa, ayaa dadka deegaanka ku ammaanay inay si diiran kaga qayb qaateen tallaabada dib loogu hakiyay gulufkii ku wajahnaa Degmooyinka Jilib iyo Jamaame.

Al Shabaab, ayaa Gobolada Jubbooyinka ugu dagaalameysa si aynaan ugu dagaalamin Gobolada kale ee Soomaaliya, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay lumisay dhul muhiim u ahaa.