Wasiirka Warfaafinta oo booqday weriyeyaal siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay Muqdisho

0

Booqashadan uu Wasiirka Warfafainta iyo Hanuuinta Dadweynaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu ugu tagay wariyeyaal dhaawacyadoo lagu dabiibayo cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wehliyey Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha Warbaahinta Qaranka mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala.

Wariyeyaasha uu Wasiirka iyo mas’uuliyiita la socotay ay booqdeen ayaa kala ah Cabdirisaaq Jaamac Cilmii “Black” oo ay kooxo hubeysan magaalada Muqdisho dhaawac ugu geysteen 12-kii bishan xilli uu isku diyaarinayay howlahiisa shaqo  iyo Ibraahim Sheelare oo  isna uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxii 15-kii bishan ka dhacay barxadda iskaashatooyinka ee degmada Xamarweyne.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenkiisa, ayaa xog wareystay bukaanada ay u tageen, si ay u eegaan xaaladda ay ku sugan yihiin, maadaama Wasaaradda Warfaafinta ay mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay ka warqabka dhammaan suxufiyiinta  Soomaaliyeed.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka Warfaafinta  iyo  madaxda kale faah-faahin ka siiyey marxaladihii ay soo mareen Wariyeyaasha dhaawacyadoodu lagu daweynayo cisbitaalka, isagoo xusay in adeeg caafmaad oo wanaagsan ay u fidiyeen dhammaan muwaadiniinta cisbitaalka la keenay.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa u mahadceliyey maamulka guud ee cisbitaalka Madiina oo uu xusay in adeegga ay bulshada u hayaan ay ka warqabto dowladda, dhanka kale waxa uu xusay Wasiirka in ay aad u wanaagsantahay xaaladda Wariyeyaasha ay soo booqdeen, isla markaana kuwa dhibaatadan ka dambeeyey maalin un cadaaladda la hor keeni doono.

Wasiirka Warfaafinta  ayaa inta uu ku guda jiray booqashada uu ku tegay cisbitaalka Madiina, waxa uu siyaabo kala duwan u booqdey bukaannada muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kale Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay waajibaad gaar ah ka saarantahay sidii ay wax ugu qaban lahayn guud ahaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhibaatada ay ka soo gaartay howlaha ay bulshada u hayaan.