Wiil Caseeye ah oo Xalay Muqdisho lagu dilay

0

Nin Bastoolad ku Hubeysan ayaa Xalay Isgooyska Banaadir ku Toogtay Wiil yar oo Caseeye oo ka mid ahaa Dadka Deegaanka sida Wararku ay sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuunka la dilay uu Ninka Dilka  u geeystay u dhaqay Gaari islamarkaana Lacagtii loo diiday sidaana Dhowr Xabadood loogu dhuftay.

Goobjooge ku sugnaa Goobta uu Falku ka dhacay ayaa  sheegay in Ujeedka loo dilay Wiilka Caseeyaha ah Baaruurtana meeyra aan la ogeyn islamarkaana loo maleenayo in Lacgtii loo diiday Murankeeda uu  dilku ka dhashay.

Ninkii Dilka geeystay ayaa goobta iskaga baxsaday,iyadoona Meydka Wiilka yar uu mudo Meesha yaalay,inkastoo markii danbe  la qaaday Meydka.

Maamulka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo aan Xariir la sameynay ayaan noo suuro galin in aan haleelno.