Xal laga Gaaray Khilaafkii Dekadda Muqdisho

0

 

Kulan Maanta ka dhacay Dekadda Muqdisho ayaa lagu soo Afjaray Khilaaf maalmihii lasoo dhaafay ka Taagnaa Maamulka Dekadda, Kedib markii Maamulkeeda lagu wareejiyay Sharikad Turki ah oo lagu Magacabo Al-bayrak.

Kulnka oo Muddo Saacado ah socday, ayaa waxaa ka qeyb Galay Xubno ka Socdy Xafiisyda Madaxweynha iyo Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mareeyaha Dekadda Xubno ka Tirsan Sharikadda Al-bayrak ee Maamulka Dekadda loo dhiibay iyo Guddi ka Socday Muruq maalka.

Yuusuf Macalin Amiin, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Halkaas ka sheegay Heshiiska ay la Gaareen Muruq maalka Dekadda Muqdisho, kaasoo dhigaya in Shaqalaha hadda jooga ay Bisha hadda Bilaabatay ay ka shaqeysan doonaan Dekadda, wixii ka Dambeeyana ay kullamo ay Wasaaraddu qaban doonto kasoo saareyso Qorshaha kama Dambeysta ah ee ay Dekaddu ku Shaqeyn doonto.

Sharikadda ayaa la sheegay in ay Dhiseyso qeybaha kala duwan ee Dekadda, lagana dhigayo sida Dekadaha Calamiga ah ee Dunida ka jira.

Muruq Maalku dhankooda waxaa ay sheegeen in ay ku qanacsanyihiin Heshiiskaas, Afhayeen u hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay Wasaaradda waxa ay soo saari doonto ka War Sugayaan, Mudada Bisha ah ee ay Wasaaraddu Shaqalahas u Ogolaatay in ay Howshooda sii Wataan, Maanta ayayna si toos ah Shaqaaluhu u Bilowdeen Howshooda.

Khilaafka ka jiray Dekadda Muqdisho ayaa soo Taagnaa tan iyo Bishii lasoo Dhaafay Bartamaheedii, kasoo ka dhashay Markii Maamulka Dekadda lagu Wareejiyay Sharikadda Turkiga ah ee Al-bayrak, taasoo Dhankeeda Sheegtay in ay Shaqada ka Eryeyso ilaa 5,000 oo Xoogsatada Dekadda ka mid ah.