Xeer ilaaliyaha Qaranka oo Dhulka ku jiiday Wasiirada

0

Xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa si adag kaga hadashay hishiisyada wasiirada xukuumada Soomaaliya ay ku saxiixayaan meelo qarsoon.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya loo baahan yahay inay u hogaansanto sharciyada u degsan dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha inaan la aqbali karin wasiir xafiiskiisa ama hotelka uu degen yahay si qarsoodi ah hishiis ugu saxiixaya, haddii hishiiska dhaqaalihiisa uu ka badan yahay 250,000 “Labo boqol iyo konton kun”  ay ansixin karaan golaha wasiirada Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in sharciga la keenayo wasiirkii lagu helaa inuu si qarsoodi ah u saxiixo hantida qaranka Soomaaliyeed.