XOG:- Beesha Caalamka oo soo faragalisay qilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha

0

Muqdisho, AGGM: Beesha Caalamka, ayaa waxay xilligaan soo fara-gelisay xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo mooshin si dardar leh ku soconaayo, oo sida la sheegay laga diyaarinaayo Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Inkastoo Beesha Caalamka aysan soo dhaween isku shaandheyntii uu Ra’iisal Wasaaruhu ku sameeyay xubno ka tirsan Wasiirada, ayaa waxa aysan hadana doonayn in wax mooshin ah laga keeno Xukuumadiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu cadaadinayaa in ay si hoose u dhameeyaan khilaafaadka ka dhex jira, iyagoo markaasi u hogaansamaaya Dastuurka Qabyo Qoraalka. Walow dadka Siyaasada Somaliya odoroso ay qabaan in dhibaataduba ay ka taagan tahay Dastuurka aan weli la dhameystirin.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa allgalgaduud.com u sheegay in uu jiro culeys xagga dibadda ah, laakiin uu Madaxweynuhu ku andacoonaayo in mushkiladu ay ka jirto dhinaca Ra’iisal Wasaaraha.

Haddii Beesha Caalamka ay meesha ka saarto mooshinka laga diyaarinaayo Xukuumada C/weli, ayaa waxaa dhinaca kalana meesha ka bixi doonto mooshin la sheegay, in Magaalada Muqdisho ay ka wadaan Xildhibaanada la safan Ra’iisal Wasaaraha.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo mooshino iska soo horjeedo, oo siyaabooyin kala gedisan ay kaga wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Khilaafka Madaxda Dowladda, ayaa soo shaac baxay maalintii Sabtida, markii Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu isku shaandheyn ku sameeyay sideed ka mid ah Golahiisa Wasiirada, halka taasina uu ka horyimid Madaxweynaha.

Madaxweynaha, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay isku shaandheyntaasi, ka dib markii uu sheegay inaanu Ra’iisal Wasaaruhu kala tashan isku shaandheynta ka dhanka ah Wasiirada isaga ku dhow dhow, horeyna uu u sameeyay khaladaad dhowr ah, isla-markaana uu ka Madaxweyne ahaan dulqaad muujinaayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com