XOG:-Jawaari oo shir xasaasi uu albaabada u xiran yahay la qaatay R/wasare C/weli iyo Farax C/qaadir

0

Muqdisho, AGGM: War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shir xasaasi ah uu goor dhow dhex maray Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’isulwasaaraha Xukuumada Somalia, Gudoomiyaha Baarlamaaka iyo Faarax C/qaadir.

Kulanka ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid ka dhacay Hoolka garoonka aadan cadde xili ay Mas’uuliyiintaasi sagootinayeen Madaxweyne Xassan sheekh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa wakhti badan ku bixiyay xalinta Khilaafka u dhexeeya Ra’isulwasaare C/weli sheekh axmed iyo Wasiir Faarax C/qaadir waxa uuna labada mas’uul ka dhaadhiciyay in muhiimadu tahay in lasoo afjaro Khilaafka oo ah mid xoogiisa uu ka dhex curtay labadooda.

Jawaari ayaa si degan u dhageystay qodobada ay kala tabanayaan labada Mas’uul waxaana la soo sheegayaa inuu ku guuleystay in qodobada qaar uu xal ka gaaro, halka kuwa kalane xal laga gaari doono maalmaha soo socdo.

Jawaari ayaa inta kulanka socday soo hadal qaaday Isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha wasiirada waxa uuna soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday balse waxa uu Ra’isulwasaaraha dalka ku dhaliilay in go’aanka uu qaatay isaga oo aan la tashi la sameyn Madaxweyne Xassan.

Jawaari ayaa labada Mas’uul ku qanciyay in si hoose loo xaliyo Khilaafka oo aan la gaarsiin dowladaha caalamka iyo warbaahinta, waxa uuna ballan qaaday inuu xal ka gaari doono inta khilaafka ka harsan.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare C/weli iyo Faarax c/qaadir ayaa la tilmaamayaa in si ku-meelgaar ah ay sacabada isku galshay, waxa uuna mid waliba sheegay inuu qeyb ka qaadanaayo isku soo dhawaanshaha balse ay muhiim tahay in labaduba ay ku qancaan.

Kulanka oo qabyo ahaa ayaa waxaa Ra’isulwasaare C/weli dalbaday in inta harsan lagu dhameeyo Villa Somalia maadama aysan munaasab aheyn goobta uu kulanka ka dhacaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com