XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Ku Yiri 5-ta Bisha Maalinta Axada Ah Iscasil.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka maanta naga soo gaaraya Ilo wareedyadeenada ku sugan gudaha Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh inta uusan ka dhoofin dalka uu si cad ugu sheegay R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu Iscasilo maalinta Axada taariikhduna tahay 5- bisha Oktoobar.

Warnkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu R/wasaare Cabdiwali Sheekh si cad uu ugu yiri iska casil xilka R/wasaarenimo maalinta Axada ah ee 5-ta bishan Oktoobar yaanana kuugu soo laabanin adoo Iscasilin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto maalinta Talaadada ah oo ay taariikhdu tahay 7-da bsihan Oktoobar.

Dhinaca kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay ka dagayo magaalada Kismayao si uu u yiraahdo shirkii Kismaayo ee aan beelaha Soomaaliyeed ee daga Jubbooyinka u dhameyn waan soo xirnay,waxuuna ku dhamaaday Guul iyo Midnimo, si dhaqaalaha laga xanibay Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni loogu furo.

Sidoo kale waxaa jira warar si aad ah loo xaqiijinayo in R/wasaare Cabdiwali Sheekh, Axmed Madoobe, Fartaag, Inna Afeey iyo Gen. Gabre ay tagayaan magaaalda Garbahaarey si ay halkaasina u yiraahdaan waxaan u tagnay furitaanka Shirka Midnimo 1 ee beelaha daga gobolka Gedo.

Ujeedka safaradan oo dhan ayaa waxa ay salka ku hayaan in dhaqaale looga qaato UN-ka iyo dowladdaha reer galbeedka ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee ma,ahan kuwo loogu daneenayo dadka daga gobolada Jubbooyinka iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale R/wasaare Cabdiwali Sheekh ayaa waxaa uu indhaha ka daboolanayaa tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee sida bareerka ah ay u geesanayaan Maleeshiyo beeleedka uu hoogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe ee isugu jira Dilka, Dhaawaca, Kufsiga, Xariga, Jirdilka, Barakicinta Baahsan iyo Caga Jugleenta joogtada ah ee lagu hayo birma geydada Gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo haddii uu dhab noqdo warkan ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku yiri R/wasaare Cabdiwali Sheekh Iscasil maalinta Axada ah waxaa ay noqonaysaa guul usoo hoyatay  Ummada Soomaaliyeed ee uu R/wasaare Cabdiwali Sheekh ku tuntay  Xuquuqdi ay ku lahaayeen dowladda  suu rabana ka yeelay, halka dhinaca kalena ay qatar weyn ku tahay Gabi ahaan Ummada Soomaaliyeed awooda baaxada leh ee ay sii yeelanayaan maalinba maalinta ka dambeysa xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Damujadiid….

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com