Xog: Mooshin Ka Dhan Ah R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Usbuucan Gudihiisa Loo Gudbinayo Baarlamaanka…

0

Muqdisho, AGGM: Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in haatan lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ka dib markii uu sii laba kacleeyay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa heshay warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in R/wasaaraha mooshinka looga soo horjeedo loo gudbin doono baarlamaanka Isbuucaan gudihiisa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in baarlamaanka haatan ay qorshaynayaan in mooshinkaan la dadajiyo maadaama uu khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha usii laba jibaarmay.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kula kula qaatay xafiiskiisa xarunta Villa Soomaaliya Xildhibaano gaaraya 100 oo taageersan isaga.

Isku soo wada duuboo Sidoo kale waxaa jira in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed-na uu aruursanaya asna xubno ka tirsan Baarlamaanka si ay xildhibaanadu codka u siiyaan asaga si uu usii joogo xafiiska, waloow sida la sheegayo ay aad u yar tahay fursada uu haysto R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com