Xog: Mooshinki Ka Dhanka Ahaa R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Loo Raray Xajka…

0

Jeddah, AGGM: Wararka aanu sida hoose ku heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi xujey balaaran ah oo uu hogaaminayo isuguna jira labbada gole una badan xildhibaano ayaa u dhoofay dalka Boqortooyada Sacuudiga , si ay usoo gutaan xajkii sanadkaan ciida carafaad .

In kabadan 90 xildhibaan ayaa lagu wadaa innay soo gutaan xajkaan , ayada oo ay dadka siyaasadda indha indheeyaa odorosayaan in uu jiro qorshe kale oo uu Madaxweynuhu kula soo fogaanaya xildhibaanada si uu uga gado mooshin la doonayo in lagu rido xukumadda ay taariikhdeedii dhacday ee joogta heer gabagabo .

Waxaa xusid mudan in mooshiinkii loo rogay waji iyo arragti cusub taas oo keenaysa innuu u fulo qaab ka gadisan kii hore , waxaa lagu wadaa innuu mooshin kaannu ka dhaco labbada buur ee Safa iyo Marwo dhexdooda halkaas oo awal lagu mari jiray Labaykalaahu ma labayk , haddana lagu mari doono meeqaa isiinaysaa $25000 iyo iiga dhig $ 30 000 , halka ay xujeyda Soomaaliyeed u noqon doonto xaj uga gadisan farxad iyo sooryo ahaan kuwii hore maadama uu ka dhex socdo mooshin , damujadiid ayaa ayagu keeni doono mooshin barakaysan oo loogu soo bun dubay Xaramka halka ay R/wasaare Cabdiwali Sheekh u ahaan doonto guul daro iyo adaa Garbahaareey diidaye Garoowe goof makuugu yaal.

Dhinaca kale waxaa jirra warar sheegaya Xildhibaanada in la dhaarin doono oo kitaabka Qur’aanka kariimka ah gacanta loo saari doono markay qaataan xoogaagooda.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeysay oo Mooshin laga keeno R/wasaare balse Mooshinkan ka dhanka ah R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxa uu noqonayaa mooshinkii ugu Barakaysnaa ee ay abid arkaan ummada Soomaaliyeed.

xasan iyo xiirane

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com