XOG:- Sirta qarson ee ku duugan xil ka qaadistii Faarax iyo qorshaha C/WELI

0

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Md., C/weli Sheekh Axmed ayaa shalay isku-shandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, iyadoo isbedelkaasi uusaameeyey Wasiirkii Caddaalladda iyo Dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir oo isaga loo xagliyo inuu jaal dhow la yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir oo haatan loo magacaabay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa ugu magac dheere wasiirada uu saameeyey Isbedelka lagu sameeyey qaar ka tirsan xubnaha Xukuumadda.

Ra’isul-wasaaraha ayaa la sheegay inuu qorshaha Isbedelka shandada ugu jirtay markii uu Isbuucii hore ka soo laabtay Safarkii uu Wakiilladda Beesha Caalamka iyo Beelaha Soomaaliyeed kula soo yeeshay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana taasi laga dareemi karaa qaabka Wareegtadda loogu muujiyey Isku-shaandheyntaas.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Wareegtadaasi farriin u tahay inuu Ra’isul-wasaaruhu seefta galka kaga baxay, si uu dagaal siyaasadeed xooggan uga hortago khilaafka dhinaca Aragtida ee Madaxweynaha kala dhexeeyo.

Siyaasiyiinta qunyar-socodka ayaa rumeysan in Targedka ama Bartilmaameedka Isku-shaandheynta ahayda Wasiir C/qaadir, iyadoo xubnaha kale ee la isku beddelay lala barbar dhigi karo waxa ay Soomaalida ugu yeeraan Maxaabsi.

Siyaasiyiinta ayaa waxay rumeysan yihiin in Wasiir C/qaadir Sheekh Faarax noqday mid Wasiirka ugu miisaanka culus, misna jaalka la ah Madaxweynaha, iyadoo uu weliba gacanta ku hayey Guddiyadda Dastuurka iyo Qorshaha Hiigsiga ee 2016.

Xeeldheerayaasha ayaana u arkaa Xil-ka-qaadista Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka inay tahay mid daaqadda looga tuurayo saamaynta xooggan ee uu ku lahaa Masraxa Siyaasadda, gaar ahaan Golaha Wasiiradda, Madaxtooyadda iyo Guddiyadda u gogol-xaarayso Hiigsiga 2016-ka.

Ra’isul-wasaraha oo shax siyaasadeed dahsoon ka duulayo ayaa u ololeynayo sidii ay isaga u hoos imaan lahaayeen Guddiyadda guud ee loo xil-saaray Hiigsiga 2016-ka iyo Kharajyadda ay Beesha Calamka u qoondeeyey in lagu meelmariyo sidii uu ku najixi lahaa Hiigsiga sannadka 2016-ka.

Waxaa kaloo la hadal-hayaa in Isku-shaandheyntan looga dan leeyahay si Kulanka Beesha Calaamka ee bisha soo socoto ee Nove,ber 19-da ka furmi doona caasimadda dalka Denmark ee Copen Hagen loogu soo bandhigo Guddiga cusub ee Hiigsiga 2016-ka, iyadoola filayo inay Beesha Caalamka lacago hor leh ugu yaboohaan Xukuumadda Federalka.

Wasiir C/qaadir ayaa isagana lagu tilmaama Mas’uul xeellad badan oo shartiisa wata, maadaama uu muddadii xilka Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka hayey soo baxeen cabasho ka imaanaysay xubno ka tirsan Hay’addaha Dowladda iyo dadka rayidka.

Waxa uu udub dhexaad u ahaa Xil-ka-qaadistii lagu sameeyey Xeer-iaaliyihii hore oo isagu la sheegay in si aan sharci ahayn xilka looga xayuubiyey.

Isku-shaandheynta lagu sameeyey Xukuumadda Federalka ayaan Madaxweynahu ku gacan seeray, kuna qeexay mid aan sharci ahayn.

Bilowgii sannadkan waxa uu Madaxweynuhu ka gilgishtay khilaafka ka dhashay Wasiirkii Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed, oo la rumeysan yahay inuu yahay gacanta midi gee Madaxweynaha, laakiin xaalladda ayaa shiiqday, kadib, markii uu Wasiir C/kariim iskiisa u go’aansaday inuu xilkii Wasiirkii Amniga Qaranka ka dego, kadib, markii ay Alshabaab weerareen Xarunta Barlamaanka Federalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com