Xukuumada oo qorsheneysa gurmad hor leh oo la gaarsiiyo gobolo kamid ah dalka

0

Muqdisho, AGGM: Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dooneyso in gurmad hor leh ay ku gaarsiiso gobolo kamid ah dalka oo ay abaaro kajiraan.

Waxa uu xusay in goboladaasi ugu daran oo qorshahoodu uu ku wajahanyahay ay kamid yihiin gobolada Galgaduud, Gedo, iyo Hiiraan kuwaasi oo uu tilmaamay in xaalado daran oo abaaro ah ay kajiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshahaasi ay filayaan in wax badan uu kabadalo dhibaatooyinka kala duwan ee kajira goboladaasi sida uu yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com