Arday lagu soo dhaweeyey Yemen

0

Qunsulka guud ee Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya magaalada Caden mudane Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaan) ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaardaha ee magaalada Caden arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Yemen, kuwaas oo gaaray dalkaasi.

Ardayda oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka ayaa tiradoodu gaaraysay 32 oo isugu jiray wiilal iyo gobdho, waxayna ka bilaabi doonaan waxbarashadooda Jaamacadaha ku kala yaala dalka Yemen sida caasimada Sanca, Caden, Ticiz, Mukalla iyo Xudayda, iyagoo baranaya takhasusyo kala duwan.

Qunsulka Guud ayaa soo dhawaynta kaddib kula dardaarmay ardaydaas inaysan dayicin fursadan waxbarasho ee walaalaha Yemen ugu deeqeen Soomaaliya ,  una adkaystaan duruufaha la soo gudboonaan kara xiliga waxbarashada , isagoo ku guubaabiyey inay had iyo goor maanka ku hayaan inay yihiin wakiiladii dalka matalayey sidaa awgeedna looga baahan yahay inay dhowraan sharafta Soomaaliyeed, xurmeeyaana dhaqanka dalka ay wax ku baranayaan.