Beeraleyda Sh,hoose oo beeniyey in ay jiraan isbaarooyin la qaaday

0

C/nuur Ismaaciil Xasan oo ka mid ah Beeraleyda Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay warbaahinta  Magaalada Muqdisho aya sheegay in aysan jirin wax Isbaaro oo laga qaaday Gobolka Sh.Hoose

Waxa uu sidoo kale sheegay in weli ay yaallaan Isbaarooyinka laguna dhibaateeyo sida uu tilmaamay dadka ganacsatada ah Beeraleyda iyo gaadiidleyda Gobolka Sh.Hoose.

C/nuur Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Gobolka Sh.Hoose ugu baaqay in ay iska daayaan waxyaabaha been abuurka ah oo ay Warbaahinta ka sheegayaan oo ah in Gobolka laga qaaday dhamaan Isbaarooyinkii yaallay.