Britain oo ku talisay in Soomaalida ay hakiyaan Khilaafkooda.

0

Xoghayaha arimaha dibada dalka Britain Philip Hammond oo hadal ka jeediyay shirka caalamiga ee ka socda Copenhagen ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirka iyo waliba waxyaabihii looga hadlay ee ku aadanaa hormarka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Mr Hammond in sidoo kale uu la kumay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wasiirada arimaha dibada ee ka socda gobolka,isagoona kala hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa muranka dhanka siyaasada ee u dhaxeeya madaxda Soomaaliya.

Xogahaya arimaha dibada UK ayaa Yiri” Dowlada UK,waxay ka dhabeyneysaa balan qaadkeedii ku aadan taageerada Soomaalia,waxaan marti gelinay shirarkii arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay London bishii February 2012 iyo May 2013,kuwaasi oo beesha caalamka loogu dhiira gelinayay inay facil ku badalaan kaalmada Somalia ay siinayaan.

Mr Philip Hammond oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday madaxda Soomaaliya inay xaliyaan kala aragti duwaanashooda u dhaxeeya,islamarkaana ka shaqeeyaan deganaasha iyo mustaqbalka nabadeed Ee Soomaalia.

Dhamaan madaxdii caalamiga ee ka qeyb galeysa shirka Copenhagen,ayaa ku booriyay madaxda Soomaaliya inay ka yimaadaan khilaafka wax walibana ka doortaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com