Burcada Koonfur Africa oo sii wada dhaca iyo dilalka Soomaalida

0

Weerarrada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ayaa kordhay,ayadoo toddobaadkii la soo dhaafay la dilay lix muwaadin oo Soomaali ah sida ku soo warramayo wariyaha Raadiyo Muqdisho ee magaalada Cape town ee waddankaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku warramaya dhammaadka sanad kasta ay bataan weerarradu, taas oo keenta in la dhaco goobo badan oo ganacsi isla markaana la dilo dad badan.

“Bilahan ugu dambeeya sanadka, aad iyo aad ayay ugu soo bataan dilalku waddankaan,  burcaddu waxay u baahan yihiin waxay ku tuman lahaayeen kirismiska (25-ka bisha December), makra waxay iska begsadaan dadka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah ee ganacsada” ayuu yiri Qeys Yare oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayagoo og qatarta ka imaan karo burcadda ayay haddana ku sii adkeystaan inay sii wataan ganacsigooda, maadaama qatarta ka sokoow bilahani ay yihiin kuwa ugu ganacsiga wanaagsan waddanka.

Bashiir Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool Cape Town ayaa sheegaya  “Cabsida iyo baqdintu waa iska taagan tahay, saa ay tahay haddana dadka Soomaalida ahi waa ku dhabar adeygaan si ay ganacsigooda u soo wataan, waxay aaminsan yihiin qadarta maadaama ay yihiin dad muslimiin ah”.

Dalka Koofur Afrika waxaa ku sugan Soomaali badan oo ganacsi ku leh magaalooyiinka waaweyn iyo tuulooyinka. kooxo burcad ah ayaa mararka qaar u geysta dhac iyo dil si la mid ah bulshada kale ee ku nool waddankaasi.