Ciidamada Dowlada oo Goordhaw Muqdisho ku dilay Labo Nin oo dil u geestay Askari katirsanaa Ciidanka Booliiska

0

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw agagaarka isgooska Black Sea ee Degmada Howl-Wadaag, waxa ay ku dileen labo nin oo Bistoolado ku hubeesnaa kuwaa oo la sheegay in ay dileen Askari katirsanaa Ciidanka Booliiska.

Goob jooge kusugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in labo Dhalinyaro hubeesan in ay dileen askari katirsanaa ciidanka Booliiska kadibna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan goobta ay dilka ka geesteen hasa ahaatee ay kusoo baxeen Ciidamo kale oo katirsan Dowlada.

Ciidamada Dowlada ee eryaday raga dilka geestay ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen labada nine e dilay Askariga katirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed , waxaana goobta laga maqlay rasaas ay labada dhinac is dhaafsadeen.

Ciidamo katirsan Booliiska ayaa goobta ka qaaday Meydka askariga la dilay iyo raga kale ee iyagana ay dileen Ciidamada Dowlada, waxaana meydadka la geeyay Xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Muqdisho lagu dilo rag dil u geestay askar katirsan Ciidanka Dowlada , waxaana dhoor mar sidan oo kale Ciidamada Dowlada Muqdisho ugu dileen rag hubeesan oo dilal u geestay askar katirsan Ciidanka Dowlada.