DAAWO:- Madaxweynaha Burkina Faso oo shaqada isagatay iyo banaanbaxyo waawayn….

0

Madaxweynihii dalka Burkina Faso Blaise Compaore ayaa ku dhowaaqay inuu iscasilaadiisa kadib markii banaanbaxyo rabshado wata oo loogaga soo horjeedo in uu waqtiga uu xilka haynayo sii kororsado kadib 27 sano oo uu ahaa madaxweynaha dalka Burkino Faso.

Kambaori ayaa soo saaray war uu ku sheegayo in ay banaan tahay jagada madaxtinimada isagoo ku taliyay in muddo sagaashan casho ah lagu qabto doorasho. Taliyaha ciidamada wadanka Burkino Faso Honore Traore ayaa haatan si kumeelgaar ah haatan u ah madaxweynaha dalkaasi.

Banaanbaxyo loogaga soo horjeeday isku day uu ku doonayay Compaore in uu wax ugaga bedelo dastuurka wadankaas ayaa sababay In la gubo dhismihii xarunta baarlamaanka iyo xarumo kale oo ay dowladu leedahay. Markii uu ku dhowaaqa in uu is casilay madaxweyne Compaore ayaa kumanaan ruux oo ku faraxsan is casilaadiisii waxaa ay isugu so baxeeen wadooyinka waaweyn ee caasimada dalkaas ee Ouagadougou.

Compaore ayaa la sheegay in uu u kicitimay magaalada Po oo ku taal Koofurta dalka Burkino Faso halkaa oo ay dad badan oo taageerayaal u ah ay degen yihiin.

3 2 1